ASOJ oo Cambaareysay xariga sharci darada ee Wariyeyaasha HIMILO TV

0
Sunday October 12, 2025 - 20:46:39 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 14
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASOJ oo Cambaareysay xariga sharci darada ee Wariyeyaasha HIMILO TV

    Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (ASOJ) wuxuu si adag u cambaareynayaa xarigii sharci-darrada ahaa ee lagu qabtay Agaasimaha Telefishanka Himilo TV, Axmed Maxamed Aadan, iyo Agaasime Ku-xigeenkiisa, Khadar Cabdiraxiin Ibraahim, kuwaas oo maanta lagu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (ASOJ) wuxuu si adag u cambaareynayaa xarigii sharci-darrada ahaa ee lagu qabtay Agaasimaha Telefishanka Himilo TV, Axmed Maxamed Aadan, iyo Agaasime Ku-xigeenkiisa, Khadar Cabdiraxiin Ibraahim, kuwaas oo maanta lagu xiray magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed – ASOJ (Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed)

Taariikh: 12 Oktoobar 2025
Goobta: Muqdisho – Soomaaliya

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (ASOJ) wuxuu si adag u cambaareynayaa xarigii sharci-darrada ahaa ee lagu qabtay Agaasimaha Telefishanka Himilo TV, Axmed Maxamed Aadan, iyo Agaasime Ku-xigeenkiisa, Khadar Cabdiraxiin Ibraahim, kuwaas oo maanta lagu xiray magaalada Muqdisho.

Falkaan wuxuu ka dhigan yahay xadgudub cad oo lagu sameeyay xorriyadda saxaafadda iyo caburinta suxufiyiinta madax-bannaan, taasoo ka hor imaaneysa Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo heshiisyada caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha.

ASOJ waxay ugu baaqeysaa hay’adaha amniga iyo madaxda dowladda inay si degdeg ah u sii daayaan wariyeyaashaas oo ku howlanaa gudashada waajibaadkooda shaqo.

Ururku wuxuu xasuusinayaa dhammaan hay’adaha dowladeed in xorriyadda saxaafaddu ay tahay tiir muhiim u ah dimuqraadiyadda iyo daahfurnaanta dowladnimo.

ASOJ – Difaac Saxaafad Xorta ah, Difaac Bulsho Xog Ogaal ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip