Ururka Suxufiyiinta oo cambaareeyay kaligii taliye Wasiir Maareeye.

0
Sunday January 17, 2016 - 03:48:56 in Warar Af-Soomaali ah by Asoj Org
  • Visits: 1578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ururka Suxufiyiinta oo cambaareeyay kaligii taliye Wasiir Maareeye.

    ASOJ.ORG - Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ASOJ ayaa Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federalka Somalia Mohamed Hayir Maareye ku tilmaamay kaligii taliye astaan u noqday tacadiyo uu kula kacay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ASOJ.ORG - Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ASOJ ayaa Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federalka Somalia Mohamed Hayir Maareye ku tilmaamay kaligii taliye astaan u noqday tacadiyo uu kula kacay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta.

Associated Somali Journalists waxeey Wasiir Maareeye ku eedeeyeen inuu qaab kaligii talisnimo ah uga qaaday xilalkii Agaasimeyaashii Telefishinka SNTV iyo Radio Muqdisho.

"Wasiir Maareeye wuxuu xilalkii ka qaaday Agaasimahii SNTV Abdirahman Alcadaala iyo Agaasimahii Radio Muqdisho Cabdiraxiim Ciise Cadow,wuxuu horey xilka qaadis ugu sameeyay hoowlwadeeno ka horeeyay kuwaas oo Warbaahinta Dowladda soo gaarsiiyay maqaamka ay maanta joogto”ayey tiri Xoghayaha guud ee ASOJ Mrs Faduma Farah.

Faduma Farah waxeey sheegtay iney gabdha badan ka hayaameen Wasaaradda Warfaafinta kadib markii ay u adkeeysan waayeen hab dhaqankiisa ku saleeysan kaligii talisnimadda .

"Wuxuu Wasiir Maareeye la seexday ilaa lix gabdhood oo ka shaqeeynayay Wasaaradda Warfaafinta,laba ka mida waxeey la baxsadeen lafahooda oo dalka waa ka tahriibeen,halka afartii kale seddex ka mida ku xanuunsanayaan guryahooda” ayey tiri Xoghayaha Asoj oo Muqdisho u tagtay iney soo qiimeeyso waxa ka socda Wasaaradda.

Asoj waxeey u mahadcelisay Xildhibaan Cabdi Xoosh oo noqday Xildhibaankii ugu horeeyay ee cambaareeyay hab dhaqanka guracan ee Kaligii Taliyaha laga dhigay Wasiirka Warfaafinta Mr Maareeye.

Cabdi Xoosh qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ku yiri "Pls Share and Spread the Word. The Somali Minister of Information Mr. Maareeye replaced Abdirahman Alcaddaala from his Directorship of the Somali National Television. It is an irresponsible decision given the fact that Alcaddaala is among the best Somali Television journalists out there and also a terrific anchor and interviewer. # injustice”

Wasiir Maareye wuxuu dhawaan soo saaray xeer uu ku sheegay inuusan Wariye noqon karin  qof aan shahaado jaamacadeed sidan taas oo la yaab ku noqotay bulshadda Soomaaliyeed maadama uusan isagaba weligii dhigan xitaa Dugsi hoose dhexe.

"In qofka noqonayo Wariye looga dhigo sharuud shahaado Jaamacadeed waxaa ka horeeysa in Wasiiradda iyo Xildhibaanadda heeystaan shahaado Jaamacadeed” ayaa lagu yiri bayaanka ASOJ.

Ugu dambeyn ASOJ waxeey Madaxda dalka gaar ahaan Ra’isulwasaaraha iyo gudoomiyaha Baarlamaanka  ugu baaqday iney si degdega xilka qaadis ugu sameeyaan si looga qaado xasaanadda loona Maxkamadeeyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip