
Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo todobo gabdhood u aqoonsaday Best Somali Female Journalist of the Year .
Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ASOJ ayaa qiimeeyn uu sameeyay wuxuu Suxufiyiinta sanadka u aqoonsaday todobo ka mida Gabdhaha Soomaaliyeed .
ASOJ Suxufiyiinta ay u xulatay todobada ugu wanaagsan sanadkaan tebinta barnaamijyo dhaxal gala waxeey kala yihiin:-
1-Nimco Samriye Cumar =Horncable Tv
2-Eglan Salax Cali =Kalsan Tv
3-Muna Cumar Xasan = SNTV
4-Maryan Saylac = Royal Tv
5-Xamdi Kadiye = Universal TV
6-Habon Ugaas Aw Dahir = ESTV
7-Fatuma Mohamud = RTD TV.
Todobadaan gabdhood waxeey bulshada Soomaaliyeed u tebiyeen barnaamijyo aan daawashadooda laga xiisa dhicin,waxeeyna mudan yihiin amaan maxaa yeelay barnaamijyadooda waxeey ku dhiirigeliyeen Fanaan iyo Abwaaniin Soomaaliyeed iyagoo sidoo kalena sameeyay barnaamijyo maaweelo lagu diirsaday u noqday bulshada.
Inkastoo ay jiraan Suxufiyiin badan oo dadaalay hadana ASOJ waxeey xulashadeeda ku saleeysan todobada ugu wanaagsan gabdhaha ka shaqeeya telefishinada la iska arko ee maqal iyo muuqaalka.
0 









Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo todobo gabdhood u aqoonsaday Best Somali Female Journalist of the Year .
ASOJ.ORG----