ASOJ oo ka digtay Sharciga Saxaafadda iyo Golaha Suxufiyiinta Qaranka Somalia.

0
Sunday July 21, 2013 - 01:09:58 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 6999
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    ASOJ oo ka digtay Sharciga Saxaafadda iyo Golaha Suxufiyiinta Qaranka Somalia.

    ASOJ.ORG --

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ASOJ.ORG --

Associated Somali Journalists waxay bogaadineysaa in Dalka Somalia laga hergeliyo sharciga Saxaafadda hasse yeeshee waxay Calaamatu su-aal saareeysaa  qodobo ku jiro sharciga cusub iyo cidda loo qorsheeyay inay metelaan golaha Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed.

ASOJ waxay ku baaqeeysaa in qodobka xigashada warka laga saaro sharciga saxaafadda maxaa yeelay waa qodob halis badan maadama aan xigashada warka la cadeeyn Karin xilligaan xaalada amaan ee dalka aawadeed.

ASOJ waxay nasiibdaro u aragtaa damaca Dowladda Federalka Somalia ay ku qorsheeyneyso in golaha  Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed laga dhigo tiro ka kooban:-

5 - Wariyeyaal madaxbanaan oo metelaya garab ka mida Ururka kala qeybsan ee NUSOJ.

5- Wariyeyaal ka socda Wasaaradda Warfaafinta

3- Xildhibaano Baarlamaanka Federalka Somalia

 ASOJ waxay Dowladda Federalka Somalia ugu baaqeeysaa inay guud ahaan meesha ka saarto Xildhibaanadda  ,sidoo kale waxay ku baaqeeysaa in Golaha Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed laga wada qeybgeliyo dhamaan Ururada Saxaafadda ee diiwaangashan Somalia .

ASOJ waxay  hoosta ka xariiqeeysa inaysan marnaba aqbali doonin Golaha Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed  ,hadii codka aqlabiyada la siiyo Dowladda Federalka Somalia .

ASOJ waxay cadeeyneysaa inaysan marnaba aqbali doonin xeerka Saxaafadda hadii aan laga saarin qodobada Saxaafadda sida Xigashada warka iwm.

By Dahir Alasow – Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ASOJ.

Emails: [email protected] / [email protected]/ [email protected]

Tel: 0031684863567 /00442033718795/00252616654337/00254726505837

 

Mogadishu –Somalia / Breda – Netherlands/London –UK/Nairobi -Kenya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip