Wariye ku afduuban Hobyo oo gacan ka jabay.

0
Sunday January 29, 2012 - 01:54:02 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 7521
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye ku afduuban Hobyo oo gacan ka jabay.

    ASOJ.ORG -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ASOJ.ORG -

 Wariye Micheal Scott More oo ku afduuban degaanka Hobyo ee Galmudug State ayaa gurigii lagu hayay laga saaray isagoo gacanta midig ka shakaalan sida ay xaqiijiyeen Wariyeyaasha Associated Somali Journalists.

Wariye Michael Scott lama ogga sida xaaladiisa Caafimaadka tahay balse nin ka mida burcada heysato wuxuu ASOJ u sheegay inuu Cuntada ka soomay oo tiro ka sedex jeerna isku dayay inuu ka baxsado.

“Labadii habeen ee ugu dambeysay Wariyaha si xun ayaa loo garaacay,waxaa degaanka oo dhan laga maqlayay cataawgiisa iyo qeeylidiisa ,maantana waxaa gurigii uu ku afduubnaa laga saaray isagoo gacanta midig ka shakaalan”ayaa lagu yiri war ka soo baxay Associated Somali Journalists ASOJ.

ASOJ oo si taxadirleh uga hadashay Wariyaha Mareykanka waxay tibaaxday in Hobyo laga kaxeeyay oo la geeyay degaanka Ceelhuur hasse yeeshee aan la ogeyn in gacanta xabad looga dhiftay iyo in qoriga afkiisa wax lagu gaarsiiyay.

“Hogaamiyeyaasha dhaqanka iyo Siyaasadda Galmudug kama quusan wali inay burcada ka sii daayaan Wariye Michael scott laakiin xaaladu waxay noola muuqataa in wejigii hore ee wada hadalada lagu kala tegay kadib markii dableeyda heysata Wariyaha dalbadeen in la siiyo lacag dhan 30.000 Dollar taas oo ay sheegeen inay ku baxday hoowlgalkii lagu afduubay” ayuu yiri Gudoomiyaha ASOJ Mr Dahir Alasow.

Dahir Alasow wuxuu tibaaxay inuu ka walaacsan yahay in Wariyaha Mareykanka loo gacan geliyo Al-Shabaab.

“Dabagalka aan sameeynay waxaan ku ogaanay in Wariyaha uu afduubtay nin lagu magacaabo Cali Duulaa ,sidoo kalena lagu afduubay gaari iyo hub uu leeyahay nin caana oo lagu magacaabo Nuur Cali Qooryare”ayuu yiri Dahir Alasow.

Dahir Alasow wuxuu maamulka Galmudug mar kale ugu baaqay inay xil culus iska saaraan sidii loo badbaadin lahaa Wariyaha ajnabiga.

Galmudug State of Somalia waxaa hore loogu afduubay Samafalayaal u shaqeeynayay Hay’ada DDG kuwaas oo Ciidamadda sida gaarkaa u tababaran ee Mareykanka ku soo furteen hoowlgal Melleteri.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip