ASOJ “ Journalist Scott wuxuu ku afduuban yahay Hobyo”

0
Tuesday January 24, 2012 - 00:53:12 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 5240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASOJ “ Journalist Scott wuxuu ku afduuban yahay Hobyo”

    Warbixin Wariye Scott-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin Wariye Scott-

ASOJ.ORG - Wariyeyaal ka tirsan Associated Somali Journalists ayaa xaqiijiyay in Wariye Michael Scott oo u shaqeeynayay  Spiegel Online ku afduuban yahay Magaalo xeebeedka Hobyo ee Maamulka Galmudug State hoos tagta.

Wariyeyaasha ASOJ oo Hobyo socdaal ku tegay xalay waxay ogaadeen in kooxaha afduubtay Michael Scott u badan yihiin ilaaladii hore u sugeeysay amaankiisa.

Hobyo waxaa soo gaaray Ciidamo laga soo diray Magaaladda Galkacyo si ay Wariyaha Amerikanka u badbaadiyaan hasse yeeshee  wuxuu muuqaalka u eg yahay inuu wada hadal hoose dhexmaray burcad badeeda afduubatay iyo Ciidamadda maamulka Galmudug.

Wariyeyaasha ASOJ waa loo diiday inay Journalist  Michael Scott sawiro ka qaadaan ,

Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ Dahir Abdulle Alasow ayaa ugu baaqay bulshada iyo maamulka Galmudug inay xil iska saaraan sidii burcad badeeda looga sii deyn lahaa Wariyaha ajnabiga iyadoo meesha laga saarayo in la waydiisto madax furasho lacageed.

ASOJ waxay Cambaareeyneysaa afduubka lagula kacay Michael Scott,waxayna  maamulka Galmudug ugu baaqeeysaa inay si deg dega xil iskaga saaraan sidii Wariyahaas xoriyadiisa u heli lahaa”ayuu yiri Gudoomiye Dahir Alasow.

Alasow wuxuu xusay in afduubka lagula kacay Wariye Michael Scott noqon doono barmadoow oo taariikhiya hadaan sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii deeyn sharuud la’aan.

By Fadumo Farah




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip