Saxaafadda Somalia oo UNDP iyo WHO eedeysay

0
Thursday December 01, 2011 - 04:27:14 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 4183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saxaafadda Somalia oo UNDP iyo WHO eedeysay

    Warsaxaafadeed--

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warsaxaafadeed--

ASOJ.ORG- Associated Somali Journalists (ASOJ) ayaa Hay’adaha Qaramadda Midoobay ku eedeeysay inay gacan siiyaan Shirkadda Dahabshiil Money Transfer oo dagaal xoogan kula jira Saxaafadda madaxabanaan ee Somalia.

Baaris ay sameeyeen Wariyeyaasha ASOJ ayaa lagu ogaaday in UNDP iyo WHO adeegsadaan Shirkadda Dahabshiil oo ay bil walba marsiiyaan lacago fara badan taas oo walaac gelisay Warbaahinta madaxa banaan ee Somalia.

Guno lacageedka Shirkadda Dahabshiil ka hesho UNDP iyo WHO waxay u adeegsatay hurinta Colaadaha Somalia iyo caburinta Saxaafadda madaxabanaan iyadoo ku guuldareeysatay dacwad ay ku oog tahay Tifaftiraha Website-ka Waagacusub Mr Dahir Abdulle Alasow sida ku cad Website-ka Maxkamadda Magaaladda Breda ee Dalka Holland. Case number  BP3480,Halkaan ka akhri go'aanka Maxkamadda

Dahabshiil waxay laba laabtay Dagaalka ay kula jirto Saxaafadda madaxabanaan iyadoo weerar ku qaaday 37 Website oo  dhamaantood leeyihiin Suxufiyiin Soomaaliyeed.Halkaan ka akhri Warsaxaafadeedka Websites-ka 

Dahabshiil oo lacag badan heysato waxay gudaha Somalia ku xirtay Wariyeyaal ka biyo diiday caga jugleeyntooda halka ay lawyers lacago badan ku siisay inay xiraan Website-yo madaxbanaan.

 Associated Somali Journalists oo si sharciya uga diiwaangashan Somalia iyo Dalka Holland waxay cambaareey dusha uga tuureeysaa Shirkadda Dahabshiil oo astaan u noqotay caburinta iyo tacadiyada Saxaafadda madaxa banaan ee Soomaaliyeed.

Naam: Stichting Associated Somali Journalists

Vestigingsadres: Bergschot  44  

Vestigingsplaats: 4817PB  Breda

Internetadres: www.asoj.org

KvK-nummer: 52066622

Soort Inschrijving: Rechtspersoon

By Fadumo Farah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip