ASOJ oo Wariyeyaasha u heshay Fursado- Tababar,Shahaadooyin,bilado,Isdiiwaangel

0
Monday May 30, 2011 - 05:04:41 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 5054
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASOJ oo Wariyeyaasha u heshay Fursado- Tababar,Shahaadooyin,bilado,Isdiiwaangel

    ASOJ Membership Registraton Form

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ASOJ Membership Registraton Form

ASOJ.ORG- Associated Somali Journalists ASOJ  ayaa markii ugu horeeysay si rasmiya looga diiwaangeliyay dalalka Midowga Yurub oo ay ka heshay shatiga shaqada 17 February 2011 sida ku cad Website-ka Rugta Komer Van Koophandel http://www.kvk.nl/zoek/#?q=asoj%20bredaee dalka Netherlands.

ASOJ  waa ururka kaliya ee Wasaaradda Warfaafinta Somalia siisay shatiga ruqsada inay metesho Saxaafadda Somalia sida ku cad isdiiwaangelinta taariikhdeedu 15 Setember 2010Halkaan ka akhri

ASOJ Warqad ay ka heshay Wasiirkii Warfaafinta Dowladda Federalka Somalia Inj Cabdiraxmaan Yariisow ayaa u suurtagelisay in Hay’adaha Caawiya Saxaafadda madaxabanaan iyo dalal ka Midowga Yurub siiyaan fursado ay ku hormarin karto Suxufiyiinta Somalia.Halkaan ka akhri .

Gudoomiyaha ASOJ Dahir Alasow ayaa todobaadkaan Ururka Suxufiyiinta Yurub ka mid noqday ,waxaana la gudoonsiiyay shahaado Saxaafadeed Caalamiya iyo kaarka xubin-nimada.

ASOJ waxaa ay bixineysaa fursado qaaliya oo iskugu jira tababar Saxaafadeed,bilado la siin doono Wariyeyaasha u dagaalamay madaxbanaanida Saxaafadda ama loo waxyeeleeyay shaqadiisa Suxufinimo,sidoo kalena waxay ASOJ siineysaa qofkasta oo Wariye Somalia kaarka loo yaqaan INTERNATIONAL PRESS – Red Card iyo Kaarka aqoonsiga Xubinimada ASOJ.

Fadlan hadii aad tahay Wariye iska diiwaangeli ASOJ ONLINE MEMBERSHIP,Adigoo buuxinaa dhamaan Sharuudaha ku qoran System-ka casriga ee isdiiwaangelinta.

System-ka ASOJ  (Membership Registration Form)   wuxuu ku aqbalayaa kaliya hadii aad buuxisid sharuudaha ku qoran sida inaad cadeeysid shaqadaada Saxaafadeed,faahfaahin taariikhdaada,sawirkaaga laguugu sameeyn doono iwm.

ASOJ waxay baaris ku sameeyn doontaa sheegashadaada inaad Suxufi tahay iyadoo hubin doonta inaad tahay qofka magaca isticmaalaya,hay’ada aad sheegatay inaad ka soo shaqeeysay iyo inaad tahay Wariye si madaxbanaan u shaqeeya oo aan ku lug laheen arrimo lagu taageeraa argagixisada .

Hadii aad buuxisid sharuudaha oo gudigga ASOJ ee isdiiwaangelinta ku xaqiijiyaan inaad tahay Wariye u qalma waxaa address-ka aad ku qoratay Form-ka laguugu soo diri doonaa kaarka xubinimada ASOJ iyo kan kale ee International Press Card.laakiin hadii aad joogto Africa sida Somalia waxaan kaala soo xiriiri doonaa Telefoonka ama Emailka aad ku qoratay Membership Registration Form.

Halkaan riix si aad isu  diiwaangeliso.

Hadii aad habka buuxinta fami weysid fadlan nagala soo xiriir

Fiiro gaara: Fadlan iska hubi habka buuxinta Form-ka ,ogoowna in Form-kaaga ku keydsan yahay Database-ka ASOJ sidoo kalena loo gudbin doono dhamaan Ururadda Saxaafadda Caalamka iyo Dowladaha dunida si loogu gogol xaaro nadaam cadeeyn kara inaad tahay Wariye si sharciya u diiwaangashan.Halkaan riix si aad isu  diiwaangeliso.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip