Nin kah yiri xanuunsay, ururka IFJ oo kusoo biirey dagaalka saxaafada Somalia.

0
Monday July 05, 2010 - 05:51:40 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 4491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin kah yiri xanuunsay, ururka IFJ oo kusoo biirey dagaalka saxaafada Somalia.

    Mogadishu 22 October 2009

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mogadishu 22 October 2009
Wax noqonaya astaantii ugu weyneeyd ee muujineysa halka la’isla gaaray dagaalka afka dhaafay ee ka dhaxeeya ururada saxafiyiinta Soomaalida, ayaa waxaa dagaalka si toos ah ugu soo biirey ururka caalamiga ah ee saxafiyiinta IFJ kaasoo naas nuujiya NUSOJ.

War qoraal ah oo hanjabaad ah oo uu ururka soo saaray ayaa lagu sheegey in ururka uu baari doono, isla markaasina ay talaabo ka qaadi doonto dad ay ku tilmaamtey in ay dacaayado ka faafinayaan ururka saxafiyiinta Soomaalida ee NUSOJ, iyadoo farta lagu fiiqayo ururo kale oo saxaafadeed oo Soomaaliya ka jira kuwaasoo xaq duudsiin iyo sad bursi ku heysta NUSOJ. 


Weedh layaab leh oo ku jirtey qoraalka IFJ ayaa ahayd in NUSOJ uu yahay ururka kaliya ee xaqa ah ee ka jira Soomaaliya kana shaqayn kara, weedhaasi waxay saxafiyiinta kale ka xayuubineysaa xaqa in ay ururo samaystaan isla markaasina helaan gunooyinka gargaarka ee loogu talogalay inta iyaga kaga aadan. sidoo kalena waxay meesha ka saareeysaa inuu xaquuq Suxufinimo yeesho shaqsi aan adeecsaneyn siyaasada ,qorshayaasha guracan ee Nusoj ninka sheegta.

IFJ ayaa waxay ku qasbanaatay in ay hoosta ka xariiqdo taageerada ay u heeyso ururka NUSOJ ee uu hogaamiye Cumar Faaruuq, isla markaasina u caggo jugleyso dad ay sheegeen inay dacaayado ka fidinayaan. 

Tani waxay ugu dambeeysay astaamo isa soo taraya oo muujinaya daadad iyo duufaano kusoo rogmanaya ururka NUSOJ oo tuubo ugu jirto malaayiin doolar oo loogu tallogalay in lagu caawiyo saxafiyiinta Soomaaliyeed. 

Tani waxay ka dambeeysey markii dhawaan Nairobi lagu dhisey urur saxafiyiin oo matala saxafiyiinta Soomaaliyeed ee qurba joogta ah kaasoo taageero lixaad leh kasoo jiitey inta badan saxafiyiinta Soomaalida ee kala jooga daafaha aduunka, dhawaan waxa uu ururku doortey Gudoomiye cusub oo loo doortey Mudane Maxamed Cabdullaahi (Siidii), kadibna waxaa lagu dhawaaqay xubnihii maamulka oo ay ka mid yihiin wakiilo dalalka kala jooga. 

Kadib arrinkaasi waxay NUSOJ ku qasbanaatay in ay Nairobi xafiis uga furto si ay isu hortaagto dhaqdhaqaaqa xuquuq raadsiga ah ee ururkani cusub, waxaana maalmihii dhawaa bogaga warbaahinta kusoo baxayay qoraalo ka dhan ah ururkani, iyadoo dagaalka uu sii lixaadsaday.

Weriyeyaasha Soomaaliyeed waa inay u istaagaan,dagaal la mida kan lala gala gumeeystaha,waxaana xusid mudan in natiijada guusha dhaw dahay oo baroorta Aidan White ka marqaati kacee.

Aidan White hadalkiisa waa inaan si sahlan looga harin,waana in loo qabto Lawyer si sharciga loo horgeeyo,iyadoo xusid mudan tahay inuu ka masuul noqon doono hadii ay dhacdo in Weriyeyaal lagu dilo gudaha Somalia. 

By Fuad Mohamed Elmi 
Nairobi - Kenya 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip