ASOJ oo taageertay ururka ay dhisteen Weriyeyaasha Mogadishu

0
Monday July 05, 2010 - 05:49:02 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 4431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASOJ oo taageertay ururka ay dhisteen Weriyeyaasha Mogadishu

    Mogadishu 10 October Setember 2009

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mogadishu 10 October Setember 2009


Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ Mr Dahir Abdulle Alasow ayaa dhambaal Hambalyo iyo taageero isugu jira u diray Weriyeyaasha Mogadishu ku dhistay Jeegaanta Bartamaha iyo Koofurta Somalia.


 

" Waxaan idiin soo dirayaa salaan iyo hambalyo qiimo badan,waa wax lagu farxo inaad midoowdaan maxaa yeelay midowgiina wuxuu meesha ka saarayaa in xaqiina la cuno,wuxuu meesha ka saarayaa in magaciina lagu qarabto,wuxuu difaac u noqonayaa xirfadiina,waana tilaabo wax qiimo badan" ayuu yiri Dahir Abdulle Alasow .

Mr Alasow wuxuu xusay in jago ,hanti iyo wixii la mida muhiim ahayn laakiin tan la doonayo ay tahay Weriyeyaasha oo ka midoobo dantooda guud.

"Kenya iyo Jibouti Weriyeyaasha jooga wey midoobeen,waxaana Mogadishu looga dhawaaqay urur lagu mideeysan yahay,waxaana mar kale ku baaqayaa in midnimada la adkeeyo,la iskana warqabo si looga guuleeysto qoowleeysatada Saxaadadda Somalia" ayuu ugu dambeyntii hadalkiisa ku koobay Gudoomiye Dahir Alasow.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip