Weriyeyaal uu horkacayo Gudoomiyaha ASOJ oo ka baqoolay Holland.

0
Monday July 05, 2010 - 05:23:59 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 3065
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weriyeyaal uu horkacayo Gudoomiyaha ASOJ oo ka baqoolay Holland.

    Brusseles 06 August 2009

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Brusseles 06 August 2009
Wafdi Weriyeyaala oo uu horkacayo Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ Dahir Abdulle Alasow ayuu socdaal shaqo kaga biloowday dalka Bilguim-ka.

Kuma saxsan- Ahlusunna -Khawaarij- Dowlad -U codee Wafdiga Weriyeyaasha ASOJ ee ka baxay Holland waxay socdaalo hoowleed ku mari doonaan dalalka Belguim,France.Italy,Germany,Denmark,Norway,Finland,Sweden,Austria,
Ingiriiska iyo Ukraine.


"Socdaalkeenu wuxuu xambaarsan yahay arrimo xasaasiya,Belguim iyo France ayaanu ku horeeyn doonaa si aan fariino muhiima u gaarsiino Ururadda Saxaafadeedyada ka jira,kadibna waxaan u sii gudbi doonaa dalal badan,mudada socdaalkeena,wuxuu qorshaheenu yahay inaan la kulano Weriyeyaasha Soomaaliyeed oo dalalka aan booqaneyno ku nool,sida Sweden iyo Ingiriiska,sidoo kalena waxaanu is arki doonaa Culumaa'udiinka Ahlusunna Wal Jameeca iyo madaxda Jaaliyadaha Soomaaliyeed"ayuu yiri Dahir Abdulle Alasow.

Dahir Alasow wuxuu Weriyeyaasha Soomaaliyeed ugu baaqay inay dhamaantood u istaagaan sidii loo ridi lahaa heeryadda qoowleeysatada Saxaafadda ee garashada iyo iimaanka xun.

"Waxaan hubaa in maanta Suxufiyiinta Soomaaliyeed garteen sida magaceena looga dhigtay NGO,waxaana jeclahay inaan fursadaan uga mahadceliyo Dowladda Jibouti oo tixgelin siisay baaqii Weriyeyaasha Soomaaliyeed ay ku dalbanayeen inaan dalkooda laga dhigan halka laga qaniino Warfidiyeenadda Somalia"ayuu yiri Dahir Alasow.oo dhinaca kalena mahadnaq iyo amaan u jeediyay ganacsatada ku nool Caasimadda DJibouti,oo kaalmo wax ku oola kaalmeeyay Weriyeyaasha ka soo qaxay Mogadishu ee ku nool dalkaas,sida wanaagsan ee ay ugu yagleeleen nolol iyo hooy dhaxalgala.

Alasow wuxuu xusay inaan Roma maalin qura la dhisin,taasina ay tusaale wanaagsan u tahay cidkastoo ku doodeeyso in shaqsiyaadka beenta ku xidideeystay lagu ciribtiro waqti kooban.

"Dareenka taagan wuxuu ka dhashay markii aanu xaqiijinay in barakicinta Weriyeyaasha ay ka dambeeyaan qoowleeysatada Saxaafadda Somalia shaqsiyaad ka mida,waxaanu dooneeynaa inaan beentooda ka daba geeyno,waana garaaci doonaa albaab walba,hor alle,anagoon shilin kaga rabin ajnabiyiinta balse codsaneyno in la joojiyo lacagaha faraha badan ee halkii laga rabay in la siiyo Saxaafadda Somalia,lagu dilayo,laguna barakiciyay"ayuu ugu dambeeyntii ku koobay Gudoomiyaha Associated Somali Journalists (ASOJ) Mr Dahir.

By:Abdi Wahid Nur Baadshaa


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip