ASOJ oo u jawaabtay Ex gaandhari-Milkiilaha Shabelle.

0
Monday July 05, 2010 - 05:23:04 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 3312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASOJ oo u jawaabtay Ex gaandhari-Milkiilaha Shabelle.

    Mogadishu 21July 2009

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mogadishu 21July 2009
Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa Milkiilaha Idaacadda Shabelle Abdi Malik Yusuf Mohamed ku tilmaamay nin qadiyadda Madaxbanaanida Saxaafadda iyo xaqa Weriyeyaasha Soomaaliyeed ay kala weyn tahay sandareerooyin laaluusha oo uu ka qaato ninka astaanta u noqday tacadiyada Saxaafadda iyo Musuqmaasuq ee Cumar Faruk.


"Aniga iyo Abdi Malik Yusuf Mohamud waan is naqaanaa,qof waliba way taqaanaa inuu yahay nin arxan daran,oo ku tunta xaquuqda Suxufiyiinta Soomaaliyeed,waxaas oo dhana waxaa u sababa isagoo aan waxba ka aqoon Saxaafadda,wuxuu ahaa sida la wada ogyahay gaandhari ka qeybqaatay xasuuqyadii ka dhacay Somalia,wuxuu kadib noqday ganacsade isagoo ka faa'iideeysanaya lacago ay walaashiis ka dhimatay,isagoo iibiya caanahii Waada Faadmo,raguu u yimid ayaan ka mid ahaa ee talooyinka ka siiyay furitaanka Shabelle"ayuu yiri Gudoomiyaha ASOJ Dahir Abdulle Alasow.

Dahir Alasow wuxuu sheegay in markii la dilay Mukhtaar Mohamed Hiraabe,ee Weriyeyaasha Shabelle iyo Weriyeyaal kale shaqa joojinta sameeyeen uu isaga ka hadlay Idaacadda HornAfrik uuna ka sheegay inaysan Idaacadiisa Shabelle quseeyn shaqa joojinta Weriyeyaasha,una istaageey shaqsi dhintay.

Hadalkaas wuxuu ahaa midkii ugu xanuunka badnaa ee ku dhaco dhegaha Weriyeyaasha Soomaaliyeed xilli ay ku jireen tacsi iyo baroordiiq.

"Allaha u naxariistee Bashiir Nur Geeddi,Agaasimahii Idaacadda Shabelle ee xaqdarada loo dilay wuxuu qabay Walaasheey Aamino,oo Caruur badan u dhashay,ninka iska leh Shabelle ee Abdi Maalik walaahi inuusan xitaa u tacsiyadeeyn,war iyo wacaalna uusan ka heeyn iyada iyo Caruurteey dhashay,iskaba dhaafe,wuxuu inkiray lacagtii Idaacadda ugu jirtay Bashiir Nur Geeddi,sidoo kalena xaasaskii Mukhtaar Mohamed Hiraabe lama uusan hadal,wayna joogaan" ayuu yiri Gudoomiyaha ASOJ Dahir Alasow oo ka jawaabayay war maalaa yacniya oo Website-ka Shabelle la soo dhigay laguna dafaray xaquuqda Weriyeyaasha Soomaaliyeed.

Mr Alasow wuxuu ku celshay in dilkii Agaasimaha Shabelle uu ka dambeeyay Cumar Faruk,oo khilaaf xoogan uu ka dhaxeeyay Allaha u naxariistee Mukhtaar Mohamed Hiraabe,oo ay isku heeysteen lacagtii laga qaaday Doha Media ee Weriyeyaasha ka hoowlgala Mogadishu loogu deeqay,uuna lunsaday oo cunay Cumar Faruk.

"Cumar Faruk ninka lagu magacaabo ee iska leh NGO Nusoj,wuxuu dilalka iyo barakacinta Weriyeyaasha Mogadishu u adeegsadaa nin lagu magacaabo Hassan Hanafi Hajji oo ka madaxa Xafiiska Warfaafinta ee Khawaarijta Al-Shabaab,waana mid la wada ogyahay inuu isaga dilay Hiraabe ilaa laga soo bilaabo Ali IImaan Sharmaarke,ujeedkiisa ugu weyna wuxuu yahay sidii Weriyeyaasha u barakici lahaayeen,uuna dushooda uga sameeyn lahaa lacag,oo NGO kaga sameeysan lahaa"ayuu yiri Dahir Alasow.

Associated Somali Journalists waxay warka la soo dhigay Website-ka Shabelle.net ku macneeysay mid ka qeyba hanjabaada iyo caga jugleeynta lagu hayo Suxufiyiinta madaxa banaan ee Soomaaliyeed,laguna qaldo caalamka,taasina ay ka marqaati kacee luqada lagu qoray ee Englishka,maadama ay Somalida ogyihiin tacadiyada uu ku kaco ninka iska leh Shabelle ee Ex Gandhari Abdi Malik.

Dahir Abdulle Alasow wuxuu ugu dambeeyntii beesha Caalamka iyo Hay'adaha Saxaafadda aduunka ugu baaqay inay baaris ku sameeyaan Visayaashii uu Omar Faruk magaca Suxufiyiinta Soomaaliyeed uga qaaday Saafaradda Italy ee Nairobi,Dilalkii Suxufiyiinta,lacagtii ay Weriyeyaasha Mogadishu ugu deeqday Hay'ada Doha Media Centre,wuxuuna sidoo kale ku baaqay in wax loo qabto Weriye Ahmed Omar Hashi ( Ahmed Taajir) oo isagoo dhaawaca ku dhibaateeysan Magaaladda Kambala ee Dalka Uganda.ahaana Suxufigii la dhaawacay maalintii la dilayay Allaha u naxariistee ,Mukhtaar Mohamed Hiraabe.



By:Abdi Wahid Nur Baadshaa
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip