Dahir Alasow” Khilaafka u dhaxeeyo gabdhaha Saxafiyiinta waxaan ka gaarnay qaraar”.

0
Monday July 05, 2010 - 05:02:58 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2589
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dahir Alasow” Khilaafka u dhaxeeyo gabdhaha Saxafiyiinta waxaan ka gaarnay qaraar”.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus


Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa shaaca ka qaaday in la soo afjarayo khilaafka la buun buuniyay ee ka dhex jira gabdhaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan Nairobi.

“Hogaanada labada Urur ee WOJA iyo DUWJA waan la hadlay,waxaana ku wargeliyay inaan qaraar ka gaarnay khilaafkooda,sidaas daraadeedna,waxay naga balanqaadeen inay u hogaansamayaan,waxaana dhawaan la qabanayaa xaflad ay si buuxdo isugu cafinayaan si ay u wada shaqeystaan,isuna caawiyaan” ayuu yiri Dahir Alasow .



Dahir Abdulle Alasow oo war ka soo saaray Paris wuxuu xusay inuu isaga shaqsiyan taageerayo sidii gabdhaha Saxaafadda Somalia uga bixi lahaayeen liidnaan iyo xaqiraad looga takooray qabashada hogaan saxaafadeedyadda Somalia.

“Shaqsiyaadkii gabdhaha Saxaafadda weligood ku taagnaa ayaa maantana ka dhex shaqeeynaayo,taas ma sii shaqeeyn kareeyso,waxaana ugu baaqayaa dhamaan hablaha Saxaafadda Somalia inaysan meel kaga dhicin magacooda wanaagsan oo noqdaan kuwa isku duubni ku wada shaqeeya” ayuu yiri Gudoomiyaha ASOJ Mudane Dahir Alasow.

“Xamdi Maxamed Kediye iyo Fardowsa Kuuriya waa labadeeyda gacmood,waxaana ku faraxsanahay dhamaan gabdhaha la kala safan oo aan isku asxaab nahay,waxaan leeyahay hoowl culus ayaa idin sugeyso,waana inaad ka gudubtaan ciladahii Ragga looga bartay ee is naceybka iyo hab dhaqanka hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho ama horboodayaasha Saxaafadda” ayuu ku soo afjaray Warkiisa Mr Alasow


ASOJ Secretary of Public relations
Mohamed Osman Sheik Qadafi
Amestradem- Holland
[email protected]




 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip