Dunia Women Journalists Association oo tababar u qabatay 50 Suxufiyiin+ Daawo sawiro

0
Monday July 05, 2010 - 05:02:16 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dunia Women Journalists Association oo tababar u qabatay 50 Suxufiyiin+ Daawo sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus





Tababar saxaafadeed oo ay ka qayb qaateen 50 suxufiyiin Soomaaliyeed loogana hadlayayay tayaynta mihnada saxaafadeed ee dumarka iyo doorkooda nabadaynta ayaa lagu qabtay hotelka barakaat ee magaalada Nairobi.



Tababarkaan waxaa soo qaban qaabiyay ururka Suxufiyiinta Dunia Women Journalists Association kaasoo dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Nairobi waxaana ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee saxaafada



furitaankii tababarkan waxaa ka qayb galay gudoomiyaha ururka haweenka Cocwo Shariifa cadoow oo iyadu hadalo kooban oo ku saabsan arigtida ay ka qabto ururka ka jeedisay iyo sida ay haweenka saxafiyiinta ahi ugu dhabar adaygeen in ay ku shaqeeyaan xaalada qalafsan ee soomaaliya.


waxaa sidoo kale ka hadlay gudoomiyaha hay'ada INXA Cabdi naasir Axmad Cusmaan,madaxa ururka SSWC Aamina Xaaji Cilmi iyo Gudoomiyaha hay'ada Peace foundtion luul Faarax,Gudoomiyaha hay'ada xaquuqul insaanka Ismaaciil Jimcaale Maryan Awreeye, Nuuro Cabdulaahi inter peace iyo David Mangiira u qaybsanaha arimaha bulshada dowlada kanada ee dalka kenya oo dhamaantood ka hadlay haweenka saxafiyiinta ah kaalinta ay bulshada kaga jiraan iyo doorka firfircoon ee ay ku dhex leeyihiin Saxaafada




Tababarka oo socday mudo hal maalin ah waxaa casharada bixinayay macalimiin Soomaaliyeed oo caan ka ah saxaafada Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Ustaad black, Khadiija Mayoow Abuukar,Cabdulqaadir barnaamij iyo Yaasiin Ciise Wardheere .


Gudoomiyaha ururka Dunia Women Journalists Association DUWJA Hamdi Mohamed Kediye ayaa ka hadashay hadafka ururkaasi iyo ujeedooyinka ay u aasaseen waxayna sheegtay inay sare u qaadayaan aqoonta Saxafadeed ee dumarka iyo garaadkoodaba,waxaana halkaas lagu gudoonsiiyay shahaadooyin dumarkii ka qayb galay tababarkaas.

Daawo Sawirada Kale ee Xaflada ururka Suxufiyiinta Dunia Women Journalists Association












Fu-aad Mohamed Elmi(Deeqsi)
Nairobi-Kenya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip