ASOJ oo soo saaray warsaxafadeed ay ugu tala gashay maalina saxafada somaliya

0
Monday July 05, 2010 - 04:57:23 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASOJ oo soo saaray warsaxafadeed ay ugu tala gashay maalina saxafada somaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warsaxafadeed ay soo saaray ururka suxufiyinta somaliyed ee ASOJ oo ku aadanayd maalinta saxafada somaliya ayaa ugu hadlayay dhibaatoyinkii iyo tacadiyaadii  ka dhacay wadanka somaliya ee loo geystay bahda saxafada soomaaliyeed. 

War saxafadeedkaasi oo ka koobnayd ilaa 8-bog ayaa waxaa lagu xusay in sanadkii tagay ee 2007 uu ahaay sanadkii ugu dhibatada badnayd ee soo marta saxafiyiinta iyo saxafa somaliyed, isla markaane loo geytay tacadiyo ka dhan ah xoriyatul qowlka oo lagu caburinayo howshooda shaqo. 

Waxa lagu sheegay warsaxafadedka in la dilay wariyaal gaarayo 8-qof, sidoo kalane la xir xiray wariyaal ka howl gala saxafada iyo warbahino madaxbanaan, jirdilo iyo dhaawacyane loo geystay saxafiyiin somaliyed kuwaas oo jirin cid wax ka qabatay ama tilaabo ka qaaday cidii fulisay. 

Warsaxafadedkaan uu ku sixiixnaay ku-Simaha Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliyed ee ASOJ Maxamed C/nuur Maxamed (Sacuudi) ayaa lagu sheegay in kooxaha ku dagalamayo wadanka somaliya gaar ahaan dowlada federalka ee ka talisa qeybo badan oo wadanka somaliya ay dhibaatoyin bareer ah u geysatay saxafada somaliya. 

Waxa ay warxafadeedku  wuxuu sidoo kale xusay in kadib markii ay dowlada federalka oo kaabayaan ciidamada itobiya ay kala wareygtay qeybo badan oo koofurta somaliya maxaakintii islaamka ee ka talin jiray ay bilwday iney xirto warbaahino xor ah iyo wariyaal ka shaqeyo saxafada si sharci daro ah oo geedna loogu soo gamban. 

Warsaxafadedka ay soo saartay ururka ASOJ ayaa lagu sheegay in loo gudbiyay hanjabaadyo wariyaal ka howlgala gudaha somaliya oo loogu sheegayo in la dili doono hadaysan joojin baahintooda madaxa banaan ee ku dheehan soo gudbinta xaqiiqda taagan iyo dhibaatoyinka ku dhacayo shacabka somaliyed ee lagu dul dagalamayo, taasi oo u hanjabayeen kooxaha kala duwan ee isku haya wadanka somaliya. 

Wadanka somaliya oo ka jirto saxafad xor ah ayuu sheegaysaa warsaxafaded ururka saxafiyiinta somaliya ee ASOJ iney ka xunyihiin in dowlada federalka ay caburin u geysato bahda saxafada iyadoo sheeganaysa iney tahay dowlada dimuqradiyad ku dhisayn oo u adeygaysa saxafada somaliyed. 

ASOJ ayaa waxey codsatay in lasoo daayo wariyaasha u xirxiran maamulka dowlada fderalka iyo maamul goboledyada sida kan puntland oo xabsiyadooda ku jiraan wariyaal aysen jirin wax cad oo lagu haysto lana soo taagin maxkamad, kuwaa oo laga qaaday xuriyadi ay lahayeen. 

Waxa uu soo dhaweeyay hadaladii kala gaarka ahaay ee kasoo baxay ra?isul wasaraha cusub ee dowlada federalka nuur cadde iyo wasiirkisa warfaafinta axmed c/salaan ee ku sheegayn in aysen jirin doonin wax caburin ah oo lageysan doono saxafada xorta ah ayna ka hortagi doonaan cidkasta ee wada caburin ay ku sameynayso saxafada madaxa banaan. . 

Waxay ururka ay ku midaysan yihiin suxufiyinta somaliyed ee ASOJ balan qaaday inay la shaqeyn doonan xukuumada cusub iyo wasarada warfaafinta, iyagoo balan qaaday iney ilaalin doonan shuruucda iyo anshaxa u yaalo saxafada xorta ah. 

Somaliya ayaa waxa ka dhacay sanadkii tagay tacadiyo baraaran oo loogeystay saxafada xorta ah ee somaliya, waxeyna sanadkii tagay noqotay wadanka labaad ee aduunka ku dhibataysan yihiin saxafada xorta lana caburiyo. 

Waxaa iskaga hayaamay wadankoodi somaliya wariyashi ugu badnaa ee abad ka taga wadanka, kuwaas oo gaaray wadamada u dhawdhaw somaliya oo ka mid tahay jabuti, Kenya iyo yugandha 

Ugu danbeyntii Ururka ay ku mideysan yihiin ururka suxufiyinta somaliyed ee loo soo gaabiyo ASOJ ayaa waxa uu u rajeeyay wariyasha somaliyed in sanadka cusub ee 2008 iney jka bixi doonaan dhibatoyinka iyo caburinta ay la kulmayn sanadkii tagay isla markaane uu noqon doono sanadkaan mid ay ku diirsadaan 

 



Waxa ku saxiixan Warsaxaafadeedkaan , Ku-Simaha Gudoomiyaha Ururka ASOJ Maxamed C/nuur Maxamed (Sacudi) 

  

Xasan cumar maxamed baaffo. 

[email protected]   




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip