Ururka Suxufiyiinta ASOJ oo cambaareeyay kooxahii dilay Wariye Cali Cumar oo ka mid ahaa hoowl wadeenadda sare ee

0
Monday July 05, 2010 - 04:22:23 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Suxufiyiinta ASOJ oo cambaareeyay kooxahii dilay Wariye Cali Cumar oo ka mid ahaa hoowl wadeenadda sare ee

    Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa si kulul u cambaareeyay kooxahii dilay Wariye Cali Cumar oo ka mid ahaa Mas'uuliyiinta sare ee Associated Somali Journalists.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa si kulul u cambaareeyay kooxahii dilay Wariye Cali Cumar oo ka mid ahaa Mas'uuliyiinta sare ee Associated Somali Journalists.
Xoghayaha Guud ee ASOJ Cabdi  Fitax Geeseey oo warsaxafaadeed ka soo saaray Xarunta dowladda federalka ee Baydhabo ayaa ku nuuxnuxsaday  inay aad uga argagaxeen geeridda Wariye Cali Cumar,sidoo kalana dowladda ugu baaqeen inay soo qabtaan shaqsiyaadkii Wariyaha dilay. 


“ waan ka tiiraanyeeysanahay geeridda naxdinta leh ee Wariye Cali Cumar,waxaana leenahay wuxuu ahaa halyeey Saxaafadeed oo soo baxayay “ayuu yiri Xoghayaha guud ee ASOJ Cabdi Fitax Geeseey oo ah Agaasimaha Idaacadda Warsan ee baydhabo,una ka tirsana Wariyahaas la dilay. 



Dhamaan Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Wariye Cali Cumar. 


Cabdiqaadir Cilmi Ciise { Honest} 

Xoghayaha Xiriirka Caalamigaa ee ASOJ 

Mogadishu Somalia 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip