Ururadda Nusoj iyo Asoj oo ka hadlay gacan ku dhiiglayaal sheegta Suxufiyiin?

0
Wednesday October 28, 2015 - 09:09:13 in Warar Af-Soomaali ah by Asoj Org
  • Visits: 10336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ururadda Nusoj iyo Asoj oo ka hadlay gacan ku dhiiglayaal sheegta Suxufiyiin?

    ASOJ.ORG - Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Omar Faruk Osman ayaa sheegay in tilaabo sharciya laga qaadi doono Mohamed Ibrahim Bakistan iyo shaqsiyaad kale oo dilal,hanjabaad iyo dhibaato u geeystay Suxufiyiin Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ASOJ.ORG - Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Omar Faruk Osman ayaa sheegay in tilaabo sharciya laga qaadi doono Mohamed Ibrahim Bakistan iyo shaqsiyaad kale oo dilal,hanjabaad iyo dhibaato u geeystay Suxufiyiin Soomaaliyeed.

"Waxaan u sheegayaa bulshadda Caalamka inaan dhowr sano ka hor shaqadii Nusoj ka erinay ninka magaciisu yahay Mohamed Bakistan  kadib markii aan xaqiiqsanay inuu qeyb ka yahay shaqsiyaadka u shaqeeya cadawga Saxaafadda” ayuu yiri Xoghayaha Nusoj Omar Faruk oo dhinaca kale sheegay inuu Mohamed Bakistan noqday shaqsi qora waxkastoo uu ka dhex arko Khamriga iyo Xashiiska uu isticmaalo.

Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Asoj ahna Xoghayaha guud ee Somali Investigative Journalists Association Mr Dahir Alasow ayaa sheegay in Mohamed Bakistan iyo Hassan Ali Geesey yihiin gacan ku dhiiglayaal sheegta Suxufiyiin hasse yeeshee dhawaan la  horgeyn doono cadaalad.

"Hassan Ali Geesey wuxuu ka qeyb qaatay shirqoolo lagu khaarijiyay Wariyeyaal badan oo Somalia ,waxaa ugu horeeyay Wariye Mohamed Muhyadin Ali ,waxaana ugu dambeeyay Tifaftirahii Wararka English-ka ee Waagacusub Abdullahi Ali Hussein” ayuu yiri Dahir Alasow oo dhinaca kale sheegay inuu Hassan Ali Geesey dalka Sweden geeyay ninkii la fuliyay qaraxii lagu dilay Wariye Mohamed Muhyadiin Ali.

Mohamed Shidane dabaan oo ay isku reer yihiin Hassan Ali Geesey lix bilna Xabsiga Muqdisho ugu xirnaa inuu dilay Wariyahii weynaa Mohamed Muhyadiin Ali ayaa iska dhiibay dalka Sweden halka nin kale oo la xirnaana u baxsaday Saudi Arabia.

"Mohamed Shidane Dabaan wuxuu ahaan jiray Maleeshiyaadka dadka dila,wuxuuna gacanta midig uga go-ay isagoo ka dagaalamaya degmadda Xamarweyne ee Gobolka Banaadir sanadkii 1992-dii” ayuu yiri Dahir Alasow.

Somali Investigative Journalists SOMIJ oo baaris ku sameeysay Mohamed Shidane ayaa ogaatay inuu Hassan Ali Geesey geeyay Sweden.

"Dacwad ayaan biloownay,wuxuu Hassan Ali Geesey u soo diray Lawyerkeeyga Email hanjabaada oo cadeeyn ugu filan,waxaana loogu jawaabay inuu dimbi weyn galay sidaas darteed dhawaan bartamaha bisha November 2015 ayaan guda galeeynaa dacwadda Hassan Ali Geesey,Mohamed Shidane iyo Mohamed Bakistan,waxaan rajo weyn ka qabnaa inaan si degdega cadaaladda u horkeeno,haddii ay qaarkood la tahay iney ka baxsan karaan cadaaladda waxaa soo qaban doona Interpool marka ugu horeeyso ee jaanis lagu helo” ayuu yiri Xoghayaha guud ee SOMIJ Mr Alasow.

Alasow wuxuu sheegay iney dalka Holland ku nool yihiin qoyskii Wariye Mohamed Muhyadiin Ali kuwaas oo feeylkooda dacwadda ku cadeeyay magacyadda shaqsiyaadka dilay Mohamed Muhyadin.

"Mohamed Bakistan waa shaqsi liita oo laga eryay shaqadii Nusoj iyo IFJ ,waa dimbiile aan hubo inuu cadaaladda dhadhamin doono” ayuu hadalkiisa ku gabagabeeyay Dahir Alasow oo sidoo kale sheegay iney Hassan Ali Geesey iyo Mohamed Bakistab faafinayaan dacaayad ka dhana Wariyahii ay dileen iyo anigoo ah Dahir Alasow laakiin waxeey sameeynayaan oo dhan waxeey noo yihiin cadeeymo u muhiima dacwadda aan wadno” 

Ugu dambeyn Ururadda Nusoj iyo Asoj waxeey qaadaceen Xeer ku sheega Wasaaradda Warfaafinta Somalia u sameeysay in lagu dhaqo Saxaafadda Madaxabanaan ee  Somalia.

"Ma aqbali doono xeer la soo dhoodhoobay oo ka dhigan seeftii madaxa looga jari lahaa Xoriyadda Saxaafadda madaxabanaan” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ay Wadajirka u soo saareen ASOJ iyo Nusoj.

Madaxda Idaacadaha Madaxabanaan ee Somalia ayaa sidoo kale beeniyay sheegashadda uu gacan ku dhiigle Hassan Ali Geesey ku sheegtay iney hoos tagaan NGO uu sameeystay.

"Radio Shabelle,Radio Sky FM,Radio Simba,Radio Qarandoon,Radio Daljir ,Radio Waagacusub,Horncable Tv,Somcable Tv,SBC Tv iyo Somalichannel Tv iyo dhamaan Website-yadda madaxabanaan ee Somalia midna ma hoos tagaan Hassan Ali Geesey sidaas darteed wuxuu ku hadli karaa kaliya afka idaacadda uu ganacsatadda iyo madaxda uga qaado baadda ee Dalsan Radio” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ay si wadajira u soo saareen Warbaahinta madaxabanaan ee Somalia.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip