Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo Xildhibaan Xaaf ku eedeeyay inuu dilay Wariye Keynaan Yusuf

0
Sunday June 22, 2014 - 08:14:12 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 15089
  • (Rating 3.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo Xildhibaan Xaaf ku eedeeyay inuu dilay Wariye Keynaan Yusuf

    Warbixintii tumashada Hotel Samiira ?????? sababta loo dilay Wariye Keynaan? ------

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixintii tumashada Hotel Samiira ?????? sababta loo dilay Wariye Keynaan? ------

Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ wuxuu Dowladda Somalia iyo Hay’adaha u dooda xaquuqda Suxufiyiinta ugu baaqayaa in cadaaladda la horgeeyo Xildhibaan -Ganacsade Ahmed Duale Geelle Xaaf iyo Wiilka uu dhalay Geelle Ahmed Duale. HALKAAN KA DHAGEYSO WARBIXINTA LOO DILAY WARIYE KEYNAAN

Wariye Keynaan Yusuf markii Maamulaha Hotel Samiira u hanjabay ,wuxuu website-ka idaacadiisa soo dhigay War qoraala oo lagu naqdiyay in Website-yada Somalida kashifeen magaca Hotel-ka iyo qofka iska leh,waana tan Warbixinta cadeeyna http://www.mustaqbalradio.com/hubsiimo-halbaa-la-siistaa/

Associated Somali Journalists ASOJ waxay  xaqiijineysaa in Ganacsade -Xildhibaan Xaaf maleegay qaraxii lagu dilay allaha u naxariistee Tifaftirahii Radio Mustaqbal Keynaan Yusuf.

Wariye Keynaan Yusuf intaan la dilin ka hor wuxuu la hadlay Wariyeyaal ay saaxiibo yihiin iyo Masuuliyiinta ASOJ wuxuuna u sheegay in Maamulaha Hotel Samiira Muqdisho Geelle Xaaf dil ugu hanjabay kadib markii Idaacada Mustaqbal laga baahiyay barnaamij looga hadlay tumashada habeen walba ka socota Hotel-kiisa Samiira.

Wariyaha la dilay ee Keynaan Yusuf wuxuu yiri “ Geelle Xaaf oo xanaaqsan ayaa i soo wacay,wuxuu igu dhahay Warbixinta sida qarsoodiga looga duubay Hotel-keeyga ee Idaacadaada baahisay hadana la soo geliyay Website-yo uu Waagacusub ka mid yahay ,waxaan kaa rabaa inaad deg deg uga saartid,hadaad hadalkeeyga iska dhega tirtana waxaanu wada joognaa Muqdisho”

Keynaan oo cabsi badan ka muuqatay wuxuu yiri “Muran dheer kadib Geelle Xaaf wuxuu igu dhahay Kun dollar ayaan ku siinayaa hadaad Waagacusub ka saartid Warbixinta laakiin ugu dambeyn waxaan u sheegay inaan awood u laheyn arrimaha Waagacusub maadama uu xiriir naga dhaxeyn”

Ganacsade Ahmed Duale Xaaf iyo Wiilkiisa Geelle Xaaf waxay caan ku yihiin khaarijinta qofkasta oo ka hadasho wax ku saabsan danahooda ganacsi iyo kuwooda siyaasadeed sidaas darteed Dowladda Somalia iyo Beesha Caalamka waa inaysan iska indha tirin falkaas lagu khaarijiyay Wariye Soomaaliyeed.

Hadii Dowladda Somalia ka aamusto shaqsiyaadka khaarijiyay Wariye Keynaan waxay cadeeyn buuxda u tahay cadaalad darada Hay’adaha amaanka iyo garsoorka dalka hasse yeeshee taasi kama dhigna in si fudud looga aamusi doono kuwa caadeeystay inay xaqdaro ku dilaan Wariyeyaasha madaxabanaan.

ASOJ waxay dacwada kiiska Wariye Keynaan Yusuf u gudbineysaa Qaramadda Midoobay iyo Hay’adaha ku shaqada leh,waxaana muhiimada ugu weyn tahay in wax walba laga heli doono telefoonkiisa gacanta maadama intaan la dilin ka hor uu Gelle Xaaf uga hanjabay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip