Akhri xeerka cusub ee saxaafadda Somalia oo loo gudbiyay Golaha Wasiirada

0
Friday June 20, 2014 - 19:53:35 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 7795
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhri xeerka cusub ee saxaafadda Somalia oo loo gudbiyay Golaha Wasiirada

    Qeexidda Saxaafadda Saxaafaddu waa habka loogu gudbiyo bulshadda warar, macluumaad, madadaalo,
khudbado, xog ama afkaar, kuwaas oo lagu gudbiyo maqal, muuqaal ama qoraal, iyadoo la adeegsanayo wargeysyada ama qalabka kale ee warbaahinta sida:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

File Attachment
Size: 12 KB
Qeexidda Saxaafadda Saxaafaddu waa habka loogu gudbiyo bulshadda warar, macluumaad, madadaalo,
khudbado, xog ama afkaar, kuwaas oo lagu gudbiyo maqal, muuqaal ama qoraal, iyadoo la adeegsanayo wargeysyada ama qalabka kale ee warbaahinta sida: idaacadaha, telefeshinada, wakaaladaha wararka, website-yada, khudbadaha, filimada, farshaxanka sawirrada, joornaalada, buugaagta iyo wax kasta oo la daabaco si guudna loogu soo bandhigayo bulshadda. Halkaan kala deg Xeerka cusub ee Saxaafadda Somalia fadlan fikradaada ku soo dir [email protected]

HINDISE-SHARCIYEED

Xeerka Saxaafadda Qaranka


Hordhac



Qeexidda Saxaafadda

Saxaafaddu waa habka loogu gudbiyo bulshadda warar, macluumaad, madadaalo,
khudbado, xog ama afkaar, kuwaas oo lagu gudbiyo maqal, muuqaal ama qoraal, iyadoo la adeegsanayo wargeysyada ama qalabka kale ee warbaahinta sida: idaacadaha, telefeshinada, wakaaladaha wararka, website-yada, khudbadaha, filimada, farshaxanka sawirrada, joornaalada, buugaagta iyo wax kasta oo la daabaco si guudna loogu soo bandhigayo bulshadda.

Saxaafaddu waa adeeg lama huraan ah oo wax-tar weyn u leh horumarka bulshadda.
Warbaahinta run sheegga ku dhisan waa mida u adeegaysa kobcinta dimuquraadiyadda, dhowrista xuquuqda aadanaha, horumarinta dalka iyo hirgelinta mabaadi’da ku dhisan cadaaladda.

Maadaama Saxaafaddu tahay mid u adeegta dadweynaha waa in ay lahaato xeer iyo xeer nidaamiye. Saxaafaddu waxey ka qeyb qaadataa horumarka, nabadgelyada, kala dambeynta, isqadarinta, cadaaladda iyo nabad kuwada noolaanshaha. Dhanka kale saxaafadda waxaa ka reebban been abuurka, hurinta colaadaha, is naceybka, dacaayadda aan salka laheyn iyo marin habaabinta xaqiiqada/runta.

Xorriyatul qowlka (Madaxbannaanida hadalka) waxey aas-aas u tahay cabiridda fikirka iyo run sheegidda, waana mid ay aqoonsanyihiin dastuurka qaranka, xeerarka caalamiga ah ee xaquuqul insaanka.

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay damaanad qaadday oo ay ogoshahay heshiiyada lasoo sheegay, waxayna dhiirigalinaysaa xorriyadahaas, iyadoo lagu shaqeynayo dastuurka dalka u degsan.

Hawlaha saxaafadda iyo warbaahinta waxaa nidaaminaya isla markaana soohdimaynaya xeerkan.

Helidda adeeg saxaafadeed oo hufan ayaa dadka fursad u siin kara helitaanka warar sugan arrintaas oo u sahleysa in dadku ay si wanaagsan uga qeybgalaan la jaanqaadidda Dimuquraadiyadda iyo nidaamka dawliga ah, waxayna is hortaagi karaan talaabooyinka wax yeelaya sharafta qaranka sida, musuq maasuqa, eexda iyo isku xadgudubka.

Saxaafadda wanaagsan waa tan shacbiga ugu yeerta jidka horumarka iyo asluub wanaagga, kana waanisa wixii waxyeelaya madax bannaanida iyo midnimada Qaranka.

Ugu dambeyn, xeerkan wuxuu qeexayaa shuruucda u degsan saxaafadda Qaranka Soomaaliyeed.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip