Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo dhambaal u diray Wasiirka cusub ee Warfaafinta Somalia.

0
Saturday February 01, 2014 - 07:06:50 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 9753
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo dhambaal u diray Wasiirka cusub ee Warfaafinta Somalia.

    ASOJ.ORG -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ASOJ.ORG -

Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa dhambaal xambaarsan hambalyo iyo soo dhaweeyn u diray Wasiirka Warfaafinta Somalia Mustafe Sheikh Ali Dhuxulow.

Associated Somali Journalists ASOJ waxay magacaabista Mustaf Dhuxulow ku tilmaamtay mid farxad gelisay bahda Saxaafada maadama uu yahay Wasiirka nin waligiis ka mid ahaa bahda  Warfaafinta.

Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed Mr Dahir Alasow wuxuu Wasiirka cusub ee Warfaafinta Somalia kula taliyay inuu xil iska saaro ilaalinta xaquuqda shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Xoriyada Saxaafadda madaxa banaan.

"Anigoo ku faraxsan xilka loo igmaday saaxiibkeey Mustaf Dhuxulow hadana waxaan kula dardaarmayaa inuu xaquuqda shaqaalaha ilaaliyo,inuu xil iska saaro xalinta khilaafyada ka dhex jira ururada Saxaafadda madaxabanaan iyo inuu si deg dega uga shaqeeya dhameeystirka xeerka qabya qoraalka Saxaafadda Somalia iyo sidii loo dhisi lahaa Golaha Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed" ayuu yiri Dahir Alasow.

Gudoomiyaha ASOJ wuxuu Wasiir Mustafe Dhuxulow iyo ku xigeenkiisa Abdullahi Colaad Rooble ka codsaday inay magacaaban guddi madaxbanaan u dabagal ku sameeya Wariyeyaashii lagu dilay  Muqdisho iyo sababaha ay Hay'adaha amaanka ula aamusan yihiin macluumaadkii baaristeey sameeyeen.

Ugu dambeyn wuxuu Dahir Alasow kula taliyay dhamaan qeybaha Ururada Saxaafadda Soomaaliyeed inay si daacadnimo ku dheehan tahay ula shaqeeyaan Wasiir Mustafe Dhuxulow iyo ku xigeenkiisa loo magacaabay horumarinta iyo maareeynta Wasaaradda Warfaafinta.



BY EGLAN SALAH ALI

KAMPALA-UGANDA




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip