ASOJ oo Wasiiru Daakhiliga Somalia ku eedeysay Khaarijinta Wariye Timacade?

0
Sunday October 27, 2013 - 07:18:04 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 14263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASOJ oo Wasiiru Daakhiliga Somalia ku eedeysay Khaarijinta Wariye Timacade?

    ASOJ.ORG -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ASOJ.ORG -

Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Somalia Abdikariim Hussein Guled ku eedeeyay inuu ka dambeeyay khaarijinta Wariye Mohamed Mohamud Timacade oo dhaawac loogu geeystay Muqdisho u geeriyooday.

Wariye Timacade intaan la toogan ka hor wuxuu Associated Somali Journalists u sheegay in Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia oo ka carooday warar uu sii daayay ugu hanjabay in tilaabo laga qaadi doono hasse yeeshee kama cabsi qabin dil ,wuxuuna aad uga walaacsanaa inuu xiri doono.

Qaar ka mida Saraakiisha Nabadsugida Degaanada Wadajir iyo Dharkeenleey  ayaa ASOJ ugu xog waramay in dableeyda toogatay Wariye Timacade la yaqaan ayna si xora uga mid yihiin Ciidanka Dowladda Federalka Somalia.

Saraakiisha oo codsaday inaan magacooda la sheegin, waxay si kooban u yiraahdeen”Askarta dishay Wariye Tima Cade waxay ka amar qaataan Wasiir Abdikariim,isaga ayaa soo amray”

Saacada ka hor intuu Wariye Timacade u dhiman dhaawacii uu qabay waxaa Xarumaha Idaacadaha Shabelle iyo Sky ee Muqdisho weeraray Ciidan ka amarqaata Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Somalia kuwaas oo guud ahaan xabsiga u taxaabay shaqaalahii ka hoowlgelayay Radio Shabelle iyo Sky Radio

Wasiir Abdikariim oo ka carooday Warbixino ay baahiyeen Radio Shabelle iyo Sky Radio wuxuu dagaal xoogan ugu jiraa inuu burburiyo dhismaha Xarumaha labadaas Idaacadood .

Associated Somali Journalists {ASOJ} waxay cambaareeyn dusha uga tuureeysaa Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia Abdikariim Hussein Guled,waxayna madaxda Dowladda Somalia ,Hay’adaha difaaca Saxaafadda, Hay’adaha xaquuqul insaanka iyo beesha Caalamka ugu baaqeeysaa in si deg dega baaris loogu sameeyo dilka Wariye Timacade,weerarka Xarunta Radio Shabelle Muqdisho iyo lugta uu Wasiir Abdikariim ku lahaa Wariyeyaashii hore loogu khaarijiyay Muqdisho mudadii uu xilka Wasiirnimo hayay.

ASOJ oo aad uga xun tacadiyada iyo dilalka Suxufiyiinta Soomaaliyeed lagu hayo waxay tacsi heer Qaran u direeysaa dhamaan bahda Saxaafadda iyo ehelada uu ka tegay Wariye Mohamed Mohamud Timacade.

Inaalilaahi wa inaa ilaaheey raajacuun.allaha u naxariisto dhamaan Suxufiyiinta sida xaqdarada loogu dilay Somalia.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip