Suxufiyiinta ugu wanaagsan sanadka Warbaahinta ku hadasha Somaliga

0
Thursday May 23, 2013 - 22:58:04 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 14050
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suxufiyiinta ugu wanaagsan sanadka Warbaahinta ku hadasha Somaliga

    ASOJ.ORG-----

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ASOJ.ORG----- Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa Suxufiyiinta sanadka u aqoonsaday Nimca Samriye,Xamdi Mohamed  Kadiye iyo Caasho Cuud.
Nimca Samriye waxaa loo aqoonsaday Saxaafiyad furfuran oo barnaamijyadeeda arrimaha bulshada ee ka baxa telefishinka Horncable aad looga maqsuuday.
Sababaha Nimca kaalinta 1-aad loo siiyay waxay tahay inay dhiirigelin u sameeyso Fanaaniinta kala qeybgfala barnaamijyadeeda,iyadoo la heesta  fanaaniinta si ay  u helaan jawi farxadeed.
Nimca Samriye waxay Madasheeda Suugaanta iyo arrimaha bulshada ku soo saartay Fanaaniin iyo Jilayaal Soomaaliyeed kuwaas oo ay si wanaagsan bulshada u bartay,kana dhigtay dad caana.

Heeso badan oo aad loo jecel yahay ayey bulshada u macaaneeysay ,waana sababta barnaamijyadeeda loogu hirto.

Associated Somali Journalists ASOJ Waxay Nimca Samriye ku amaanayaan aftahanimo,dhexdhexaadnimo iyo madaadalinta bulshada oo ay astaan u noqotay,waxaana u aqoonsanay Suxuufiyada sanadka ee Suxufiyiinta ka soo jeeda Waqooyiga Somalia .
Xamdi Mohamed Kadiye ayaa  kaalinta 1-aad ee Barnaamijyada Muuqaalka kula tartantay Nimca Samriye,waxayna bandhigyadeeda arrimaha bulshada hareer dhigtay barnaamijyo siyaasadeed,
Xamdi Mohamed Kadiye wuxuu ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ u aqoonsaday Saxaafiyad aftahana oo leh hal abuur barnaamij soo saar qurux badan.kuwaas oo ka baxa Universal Tv.

Ururuka ASOJ Wuxuu Xamdi Kadiye u  aqoonsaday Saxaafiyada Sanadka ee Warbaahinta muuqaalka ee Koofurta Somalia.
Saxaafiyadda Caasha Ibrahim Adan {Caasha Cuud} oo ka shaqeysa Idaacada VOA ayaa loo aqoonsaday Saxaafiyada sanadka ee guud ahaan Idaacadaha ku hadla afka Somaliga.

Saxaafiyadda Caasha Cuud waa barnaamij soo saare,si weyn u daadihisa barnaamijyada.
Somalida oo dhan ayaa jecleeystay barnaamijyadeeda arrimaha bulshada,waxayna Fanaaniinta ka qeybgalay la jiibisaa heesaha ama u qaadaa si ay uga saarto xishoodka.
Caasha Cuud waxay dabeecadaha kala mid tahay Nimca Samriye oo barnaamijyadeeda waxay Fanaaniinta kala qeybgalo xitaa mararka qaar ogoleeysiisaa inay heesaan kadib markii ay heesta ugu dhifato ama farsamooyin Suxufinimo ku dabaqdo.{Xilliyada ay Fanaaniinta ka dareento inay qaadista heesaha ka cagajiidayaan ama ka cudur daartaan}
Caasha Cuud waxay barnaamijyadeeda u dhigtaa hab jiita dareenka bulshada maxaa yeelay waxay u agaasintaa  farsamo aan laga xiiso dhicin.
Associated Somali Journalists waxay Caasha Cuud u caleemasaarayaan Suxufiyada sanadka ee Warbaahinta maqalka.
Associated Somali Journalists waxay hambalyo u dirayaan sedexda gabdhood ee ku guuleeystay Suxufiyiinta sanadka  2013 Warbaahinta ku hadasha afka Somaliga.
Hambalyo Hambalyo Hambalyo.
Halkaan hoose ka daawo Barnaamijyada sedexda Saxaafi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip