ASOJ"Dowladda Somalia waa halis ka daran Al-Shabaab"

0
Wednesday February 06, 2013 - 12:38:52 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 7540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASOJ"Dowladda Somalia waa halis ka daran Al-Shabaab"

    Warsaxaafadeed:-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warsaxaafadeed:-

Associated Somali Journalists waxay Dowladda Federalka Somalia u aragtaa inay hogaaminayaan koox ka halis badan argagixisada Al-Shabaab kuwaas oo ku heshiiyay Caburinta Saxaafadda madaxabanaan si aan looga hadal Musuqmaasuqa iyo falalkooda ka baxsan Bini-aadamnimada.


" Dowladda Somalia inay tahay halis ka daran Al-Shabaab waxaa ka marqaati kacay sida Cadaalada ka fog ee Wariye Cabdi Casiis Koronto loogu xukumay Xabsi halsano ,iyadoo markii dimbi lagu waayay kiiska loo wareejiyay inuu haweeneey la qabo guri kaligii ku wareeystay" ayaa lagu yiri Bayaan ka soo baxay Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ASOJ.
Gudoomiyaha Associated Somali Journalists Mr Dahir Alasow ayaa Madaxweyne Hassan Mohamud Alasow iyo wafdigii la socday ku booqday Hotel Grand ee Magaaladda Brusseles waxayna Madaxda Dowladda Somalia u cadeeyeen inay gaareen qorshe lagu caburinaa Saxaafadda si loo cabsi geliyo Suxufiyiinta.
Associated Somali Journalists waxay cambaareyneysaa Xukunka iyo xariga xaqdarada ah ee Wariye Koronto lagu riday.
ASOJ waxay beesha Caalamka weydiisaneysaa inaan lagu deg degin dhiirigelin la siiyo  Kooxda qabsatay Somalia ee urur diimeedka DAM JADIID kuwaas oo go''aankoodu yahay inay Wariyeyaasha madaxabanaan caburiyaan.
ASOJ Waxay soo dhaweyneysaa Baaqyada Caalamka ee lagu dalbanayo in si deg dega loo sii daayo Wariye Cabdi Casiis Koronto .



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip