ASOJ oo Cambaareeysay Suxufiyiin lagu xiray Somaliland-Tifaftiraha Yool Mr Curad.

0
Saturday May 19, 2012 - 23:50:44 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 5667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASOJ oo Cambaareeysay Suxufiyiin lagu xiray Somaliland-Tifaftiraha Yool Mr Curad.

    By Dahir Alasow --

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

By Dahir Alasow --

ASOJ.ORG- Associated Somali Journalists ayaa Cambaareeyn dusha uga tuurtay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Mohamed Nur Caraale (Duur) oo ay ku eedeeysan inuu sifo sharci daraa ku xiray Mohamed Cabdi Guled (Curad) oo ah tifaftiraha guud ee Wargeyska Yool iyo Khadar Farah Hussein oo ka mida Wariyeyaasha ka hoowlgala Yool News Paper.

ASOJ Waxay xaqiijisay in labada Wariye lagu xiray amar Wasiir Duur bixiyay xilli ay sawiranayeen shaqaaqadii ka dhacday Bariga Hargeysa ee dhexmartay Maleeshiyo beeleed hubeysan iyo Ciidamadda Somaliland.

Associated Somali Journalists waxay beesha Caalamka ugu baaqday inay Xukumadda Somaliland cadaadis ku saaraan sii deynta labada Wariye,iyadoo dhinaca kalena ay muhiim tahay inay ilgaara ku eegaan tacadiyada joogtada noqday ee Wasiir Daakhiliga Somaliland Mr Mohamed Duur ku hayo Saxaafadda Madaxabanaan.

ASOJ,waxay ogaatay in Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland tacadiyo joogta noqday uu ku hayo Saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland,isagoo hore u xiray Xarunta Telefishinka Horncable iyo Wariyeyaal kor u dhaafaya labaatameeyo.

Dowladaha taageerada siiya  Maamulka Siilaanyo waxay ku noqon doontaa Barmadoow hadii aysan ka hortegin tacadiyada joogtada noqda ee lagu hayo Saxaafadda.

ASOJ waxay Hay’adaha Saxaafadda Caalamka iyo kuwa xaquuqul insaanka weydiisaneysaa in gal dacwadeed laga furo tacadiyada joogtada noqday ee Wasiir Mohamed Nuur Caraale (Duur) ku hayo Saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland si Maxkamad loola tiigsado xilliyada uu Safarada ku marayo dalalka Yurub.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip