Topnews:- Maamulka Siilaanyo oo Hargeysa ku xiray 13 Wariye.

0
Sunday January 15, 2012 - 13:22:59 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 5018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Topnews:- Maamulka Siilaanyo oo Hargeysa ku xiray 13 Wariye.

    ASOJ.ORG -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ASOJ.ORG -

Ciidamadda Ilaaladda Madaxtooyadda Siilaanyo ayaa xabsi ku guray 13 Wariye oo warbixino ka diyaarinayay arday ku banaanbaxeysay Maamul xumida Siilaanyo.

Maamulka Siilaanyo ayaa xalay xiray  Horn Cable TV iyo Wariyeyaal madaxbanaan tan oo ka dhigan dhaqan keligii talisnimo.

Wariyeyaasha la xiray oo u badan Madaxda Warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland waxaa ku jira Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Hassan Mohamed Yusuf.

Goobjoogayaal ku sugnaa agagaarka Madaxtooyadda Somaliland ee Magaaladda Hargeysa ayaa Associated Somali Journalists ASOJ u sheegay inuu arkayay Wariyeyaasha oo qori afkiisa lagu garaacayo,iyagoo gacmaha ka xiran.

Wariyeyaasha la xaqiijiyay xarigooda maanta ee lagu xiray Magaaladda Hargeysa waxay kala yihiin:-

1-Hassan Mohamed Yusuf – Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA.

2-Mohamed Abdi Ilig Agaasimaha TV ga Horn Cable

3-Mohamed Cumar Cabdi Tafatiraha Wageyska Jamhuuriya

4-Xamse Cali bulbul  Madax Wararka Horn Cable  TV

5-Nimco Cumar Sabriye Horn Cable TV

6-Najax Aden Cunaaye Hadhwanaag News

7-Mohamed Kuraase  Horn Cable

8-Cabdiraxmaan Caynte Horn Cable

9-Hodan Cajabe Horn Cable

10-Mohamed Xarago BeberaNews

11-Saleebaan Cali (Kalshale) Wargeyska Waaheen

12-Mohamud Xuuto Tafatiraha Wargeyska Waaheen

13- Cali Jaamc Mohamed  Wargeyska Jamhuuriya

Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ wuxuu cambaareeynayaa xariga Wariyeyaashaas u doodayay xaquuqdooda iyo cadaalad darada lagu xiray Horn Cable Tv.

Associated Somali Journalists waxay beesha Caalamka mar labaad ugu baaqeeysaa inaysan indhaha ka qarsan tacadiyada baahsan ee Maamulka Siilaanyo kula kacayo Wariyeyaasha iyo Warbaahinta madaxabanaan ee ka hoowlgasha degaanada ay ka taliyaan.

By Dahir Alasow




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip