
Saxaafadda Somalia oo UNDP iyo WHO eedeysay
ASOJ.ORG- Associated Somali Journalists (ASOJ) ayaa
Hay’adaha Qaramadda Midoobay ku eedeeysay inay gacan siiyaan Shirkadda
Dahabshiil Money Transfer oo dagaal xoogan kula jira Saxaafadda madaxabanaan ee
Somalia.
Baaris ay sameeyeen Wariyeyaasha ASOJ ayaa lagu ogaaday
in UNDP iyo WHO adeegsadaan Shirkadda Dahabshiil oo ay bil walba marsiiyaan
lacago fara badan taas oo walaac gelisay Warbaahinta madaxa banaan ee Somalia.
Guno lacageedka Shirkadda Dahabshiil ka hesho UNDP iyo WHO waxay u adeegsatay hurinta Colaadaha Somalia iyo caburinta Saxaafadda madaxabanaan iyadoo ku guuldareeysatay dacwad ay ku oog tahay Tifaftiraha Website-ka Waagacusub Mr Dahir Abdulle Alasow sida ku cad Website-ka Maxkamadda Magaaladda Breda ee Dalka Holland. Case number BP3480,Halkaan ka akhri go'aanka Maxkamadda
Dahabshiil waxay laba laabtay Dagaalka ay kula jirto Saxaafadda madaxabanaan iyadoo weerar ku qaaday 37 Website oo dhamaantood leeyihiin Suxufiyiin Soomaaliyeed.Halkaan ka akhri Warsaxaafadeedka Websites-ka
Dahabshiil oo lacag badan heysato waxay gudaha Somalia
ku xirtay Wariyeyaal ka biyo diiday caga jugleeyntooda halka ay lawyers lacago
badan ku siisay inay xiraan Website-yo madaxbanaan.
Associated
Somali Journalists oo si sharciya uga diiwaangashan Somalia iyo Dalka Holland
waxay cambaareey dusha uga tuureeysaa Shirkadda Dahabshiil oo astaan u noqotay
caburinta iyo tacadiyada Saxaafadda madaxa banaan ee Soomaaliyeed.
Naam: Stichting Associated Somali Journalists
Vestigingsadres: Bergschot 44
Vestigingsplaats: 4817PB Breda
Internetadres: www.asoj.org
KvK-nummer: 52066622
Soort Inschrijving: Rechtspersoon
By Fadumo Farah.
Saxaafadda Somalia oo UNDP iyo WHO eedeysay
Warsaxaafadeed--