ASOJ oo ku baaqday in la maxkamadeeyo askarigii toogtay Wariye u dhashay Maleysia

0
Tuesday September 06, 2011 - 22:40:02 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 4159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASOJ oo ku baaqday in la maxkamadeeyo askarigii toogtay Wariye u dhashay Maleysia

    Warbixin Wariye ajnabiya oo Muqdisho lagu dilay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin Wariye ajnabiya oo Muqdisho lagu dilay.

MOGADISHU-Ururka isu taga Suxufiyiinta Somalia ee ASOJ ayaa cambaareeyay Ciidamadda Dowladda Somalia oo dilay Film qaade u dhashay Malaysia xilli uu Muqdisho u joogay baahinta abaaraha Somalia iyo qoysaska u dhimanaa gajaadda.

"ASOJ waxay Dowladda KMG Somalia ugu baaqeeysaa in Cadaaladda la horgeeyo askartii toogashada ku dilay Wariyaha u shaqeeynayay Bernama Tv allaha u naxariistee Noramfaizul ,waxayna sidoo kale ceeb iyo masuuliyad daro u aragtaa in samafalayaasha u gurmanaya shacabka abaaraha la ildaran laayaan Ciidamadda Dowladda



Ciidamadda Dowladda Labada Shariif ayaa toogasha ku dilay Camera man Noramfaizul Mohd Nor oo la socday samafalayaal ka tirsan Putera 1Malaysia Club for the Humanitarian aid mission.
Sawirqaadaha Malaysia oo ahaa 40 Jir ka tirsan Bernama TV waxaa rasaasta haleeshay Jimcahii 02 August , 10.30pm waqtiga Malaysia ,wuxuuna Noramfaizul dhintay 11.07pm
Khairulanuar Yahaya, oo ah Wariye ka tirsan Bernama TV lana socday Noramfaizul ayaa Saxaafadda u sheegay in rasaasta lagu furay xilli ay marayeen agagaarka Garoonka Mogadishu ,kadibna ay kala carareen oo qaarkood ku dhuunteen dhismaha rugta ganacsiga Muqdisho.
Khairulanuar wuxuu xusay in rasaasta ay la dhaceen Ciidamadda Dowladda taas oo la yaab ku noqotay shaqsi ahaantiisa.
Wafdiga reer Malaysia ee humanitarian mission to Somalia waxay Mogadishu tageen Aug 28 sanadkaan wuxuuna qorshahoodu ahaa inay dib uga laabtaan dalkooda Malaysia Sept 8.

By Salma Mohamud



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip