
ASOJ oo Hambalyo u dirtay Madaxda cusub ee SOLJA
Associated Somali Journalists ASOJ
ayaa hambalyo u dirtay Gudoomiyaha cusub ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland
SOLJA Mr Xasan Maxamed Yuusuf iyo dhamaan hoowlwadeenadda cusub ee sida
dimoqoraadiyada leh loo doortay.
ASOJ waxay Gudoonka cusub ee SOLJA ku
dhiirigelinee inay isu xilqaamaan sidii loo horumarin lahaa Suxufiyiinta iyo
Saxaafadda Somaliland.
“Waxaan Hambalyo u dirayaa dhamaan
Saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland gaar ahaan gudoonka cusub ee
SOLJA,Waxaana rajo weyn ka qabaa inuu Gudoomiyaha cusub Xasan Maxamed Yusuf oo
ka mida Wariyeyaasha ugu caansan Somaliland ku dhiirado tilaabooyin wax ku oola
si loo tirtiro Fadhiidnimadii lagu bartay hogaankii hore ee SOLJA” ayuu yiri
Gudoomiyaha Isu taga Suxufiyiinta Somalia Mr Dahir Abdulle Alasow.
Shirweynaha 4-aad ee Ururka
Suxufiyiinta SOLJA ayaa lagu qabtay Hotelka Ambassador ee Magaaladda
Hargeysa,waxaana Gudoomiye loogu doortay Xasan Maxamed Yusuf halka Gudoomiye ku
xigeena loo doortay Ibrahim Saleban oo loo yaqaan Ibrahim Gurey.
Xoghayaha guud ee SOLJA ayaa loo doortay Maxamed-Rashiid Muxumud Faarax.
Xubnaha Guddida fulinta ee shirweynaha SOLJA lagu
doortay waxay kala yihiin, Barkhad Maxamuud Kaariye, Maxamed Cabdi Curad,
Maxamed Jamaac (Caloolay), Maxamed Siciid Cabdilaahi (Xarago), Cali Jaamac
Maxamed, Keyse Axmed Digaale, C/Salaan Xariir Sheekh Cismaan, Mustafe Sheekh
Cumar Geeddi, Cali Aare, Nimco Samriye, Sahra Sh. Cabdi Wahaab iyo Maxamed
Shaqalle.
Halkaan ka dhageyso Codbixintii doorashadda iyo habka dimoqoradiga
By Muna Oceana.
ASOJ oo Hambalyo u dirtay Madaxda cusub ee SOLJA
ASOJ.ORG-