
WORKSHOP ON INVESTIGATIVE JOURNALISM
Ururada Saxaafadda ee kala ah Isutaga Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ iyo Ururka Warbaahinta Danta Qaran (JONA) waxay maanta soo gebagebeeyeen siminaar muddo laba maalmood ah xarunta Muqdisho Media House uga socday saxafiyiin heer sare ah oo ka shaqeeya warbaahinta Maxalliga ah.
Siminaarkaas
oo ay fulintiisa iska kaashadeen Somali Journalists for National Agenda (JONA)
iyo Associated Somali Journalists (ASOJ), madasha lagu qabtayna ay laheyd
MMHouse , wuxuu ujeeddkiisu ahaa in Saxafiyiinta, gaar ahaana barnaamij
sameeyeyaasha la baro sida loo sameeyo wararka la dabo galo, ama dabagalka saxaafadda (INVESTIGATIVE JOURNALISM).
Seminaarkan
waxaa casharo aad muhiim u ah oo loo riyaaqay ka bixiyey macalimiin xirfad u
leh saxaafadda, khibradna u leh oo muddo ka soo shaqeeyey warbaahinta.
Sidoo
kale waxaa seminaarkan lagu dhegeystay dukumintari ku saabsan dilka
saxafiyiinta oo uu horey u diyaariyey ustaad Liibaan Cabdi Cali oo ka tirsan
idaacadda Qaranka ee Radiyo Muqdisho iyo idaacadda codka Mareykanka ee Radio
Sawa ee Luuqadda Carabiga.
Saxafiyiintu
waxay is dareensiiyeen baahidda loo qabay in la qabto hawshan oo kale oo la
baro saxafiyiinta sida loo dabo galo warka, loo soo xaqiijiyo, cadeymo loogu
helo kaddibna bulshada loogu bandhigo.
Ugu
dambeyntii waxay saxafiyiinta si wada jir ah u cambaareeyeen xariga iyo
handadaada lagu hayo warbaahinta iyo saxafiyiinta wardoonka ah ee bulshada
dhexdeeda warka ka soo raadiya.
Waxayna dowladda iyo kooxaha ka soo horjeedda ugu
baaqeen qodobada soo socda.
1. Inay
joojiyaan beegsiga saxafiyiinta nooc walba oo uu yahay.
2. In la
tixgeliyo xaquuqda madaxbanaanida saxaafadda, taas oo ay ku jirto xuriyadda ah
inay wardoonaan, helaan, hubiyaan, kana siidaayaan warbaahinta ay u shaqeeyaan
si aan caqabad iyo is hortaag laheyn.
3. In saxaafadda madaxa banaan laga qaado culeysyada iyo handadaadda ay ku hayaan kooxaha qarsoon iyo kuwa muuqda ee aan raalliga ka aheyn saxaafadda madaxa banaan.
Mahadsanidiin
Cabduqadir Barnaamij, Gudd. JONA, kana wakiil ah ASOJ
WORKSHOP ON INVESTIGATIVE JOURNALISM
Taariikh: 17-06-2011, Muqdisho.