ASOJ oo Wariyeyaasha u heshay Fursado- Tababar,Shahaadooyin,bilado,Isdiiwaangel
ASOJ.ORG- Associated Somali Journalists ASOJ ayaa markii ugu horeeysay si rasmiya looga diiwaangeliyay dalalka Midowga Yurub oo ay ka heshay shatiga shaqada 17 February 2011 sida ku cad Website-ka Rugta Komer Van Koophandel http://www.kvk.nl/zoek/#?q=asoj%20bredaee dalka Netherlands.
ASOJ waa ururka kaliya ee Wasaaradda Warfaafinta Somalia siisay shatiga ruqsada inay metesho Saxaafadda Somalia sida ku cad isdiiwaangelinta taariikhdeedu 15 Setember 2010Halkaan ka akhri
ASOJ Warqad ay ka heshay Wasiirkii Warfaafinta Dowladda Federalka Somalia Inj Cabdiraxmaan Yariisow ayaa u suurtagelisay in Hay’adaha Caawiya Saxaafadda madaxabanaan iyo dalal ka Midowga Yurub siiyaan fursado ay ku hormarin karto Suxufiyiinta Somalia.Halkaan ka akhri .
Gudoomiyaha ASOJ Dahir Alasow ayaa todobaadkaan Ururka Suxufiyiinta Yurub ka mid noqday ,waxaana la gudoonsiiyay shahaado Saxaafadeed Caalamiya iyo kaarka xubin-nimada.
ASOJ waxaa ay bixineysaa fursado qaaliya oo iskugu jira tababar Saxaafadeed,bilado la siin doono Wariyeyaasha u dagaalamay madaxbanaanida Saxaafadda ama loo waxyeeleeyay shaqadiisa Suxufinimo,sidoo kalena waxay ASOJ siineysaa qofkasta oo Wariye Somalia kaarka loo yaqaan INTERNATIONAL PRESS – Red Card iyo Kaarka aqoonsiga Xubinimada ASOJ.
Fadlan hadii aad tahay Wariye iska diiwaangeli ASOJ ONLINE MEMBERSHIP,Adigoo buuxinaa dhamaan Sharuudaha ku qoran System-ka casriga ee isdiiwaangelinta.
System-ka ASOJ (Membership Registration Form) wuxuu ku aqbalayaa kaliya hadii aad buuxisid sharuudaha ku qoran sida inaad cadeeysid shaqadaada Saxaafadeed,faahfaahin taariikhdaada,sawirkaaga laguugu sameeyn doono iwm.
ASOJ waxay baaris ku sameeyn doontaa sheegashadaada inaad Suxufi tahay iyadoo hubin doonta inaad tahay qofka magaca isticmaalaya,hay’ada aad sheegatay inaad ka soo shaqeeysay iyo inaad tahay Wariye si madaxbanaan u shaqeeya oo aan ku lug laheen arrimo lagu taageeraa argagixisada .
Hadii aad buuxisid sharuudaha oo gudigga ASOJ ee isdiiwaangelinta ku xaqiijiyaan inaad tahay Wariye u qalma waxaa address-ka aad ku qoratay Form-ka laguugu soo diri doonaa kaarka xubinimada ASOJ iyo kan kale ee International Press Card.laakiin hadii aad joogto Africa sida Somalia waxaan kaala soo xiriiri doonaa Telefoonka ama Emailka aad ku qoratay Membership Registration Form.
Halkaan riix si aad isu diiwaangeliso.
Hadii aad habka buuxinta fami weysid fadlan nagala soo xiriir
Fiiro gaara: Fadlan iska hubi habka buuxinta Form-ka ,ogoowna in Form-kaaga ku keydsan yahay Database-ka ASOJ sidoo kalena loo gudbin doono dhamaan Ururadda Saxaafadda Caalamka iyo Dowladaha dunida si loogu gogol xaaro nadaam cadeeyn kara inaad tahay Wariye si sharciya u diiwaangashan.Halkaan riix si aad isu diiwaangeliso.
ASOJ oo Wariyeyaasha u heshay Fursado- Tababar,Shahaadooyin,bilado,Isdiiwaangel
ASOJ Membership Registraton Form