
ASOJ oo xoghayaha xiriirka bulshada u magacaawday Wariye Balwaan
Kadib markii aan aragnay baahida loo qabo in la helo shaqsi ku wanaagsan xiriirka bulshada iyo Isgaarsiinta Suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Kadib markii aan wadatashiyo kala duwan la yeelanay golayaasha ASOJ iyo inta badan xubnaha dalladda.
Kadib markii laga dooday shaqsiga ku haboon ee loo magacaabi karo Xilka culus.
Gudoomiyaha Associated Somali Journalists (ASOJ ) oo tixgelinaya soo jeedinta wanaagsan ee golaha dhexe iyo kan fulinta ASOJ wuxuu Secretary of Public relations and Telecomminication u magacabay Abdullahi Mohamed Omar (Balwaan)
Abdullahi Balwaan oo Saxaafadda Somalia ku soo biiray 3 May 2000 wuxuu ka soo shaqeeyay Idaacado kala duwan sida STN TV,Radio Banadir ,VOAD iyo Radio Simba.
Balwaan ma noqon Wariye ka caajisa hoowlahiisa Saxaafadda wuxuuna hada ka shaqeeyaa Website-yo iyo idaacadda madaxbanaan .
Daacadnimo,hoowlkarnimo iyo xil gudasho shaqo ayaa looga fadhiyaa Abdullahi Balwaan
Allaa Mahadleh
By ASOJ Chairman
Dahir Abdulle Alasow
ASOJ oo xoghayaha xiriirka bulshada u magacaawday Wariye Balwaan
Ujeedo: Xil magacaabis, T; 10 May 2011, Ref: 0106XGASOJ10/11