
SAXAAFADDA SOMALILAND OO XAALAD ADAG GASHAY-ASOJ
By Fadumo Farah--
Asoj.org Associated Somali Journalists ASOJ ayaa sheegtay in Xukumadda Somaliland ku dhiiratay tilaabooyin guracan oo ay dooneyso inay Saxaafadda madaxa banaan kaga suuliso guud ahaan degaanadeeda.
" Xukun xaqdaro ah ayaa ku dhacay Tifaftiraha Wargeyska Waaheen Mohamud Abdi Jama,dhamaan tifaftirayaasha Wargeysyadda iyo telefishinada Somaliland waxay ku jiraan dhuumasho iyo cabsi,waxaana adag sida Wariyeyaasha madaxa banaan kaga shaqeeyaan gudaha Somaliland"ayuu yiri Gudoomiyaha ASOJ.
Gudoomiyaha ASOJ Dahir Alasow wuxuu Xukumadda Siilaanyo ugu baaqey inay si deg dega ku sii deeyso Tifaftiraha Wargeyska Waaheen Mr Mohamud Xuuto,wuxuuna sidoo kale ugu baaqay inay ka joogaan caburinta iyo caga jugleynta ay ku hayaan Saxaafadda madaxa banaan.
" Hadii Xukumadda Siilaanyo iska dhega tirto baaqyada Caalamiga ee looga dalbanayo xoriyatul qoowlka waxaa lumi doona qadirinta Caalamka u hayo Somaliland,halka dhinaca kalena arrimaha socda horseedi karaan kacdoon shacab iyo burbur baahsan"ayuu yiri Dahir Alasow
By Fadumo Farah
Mogadishu-Somalia
SAXAAFADDA SOMALILAND OO XAALAD ADAG GASHAY-ASOJ
By Fadumo Farah--