
Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta Puntland iyo Hogaamiyaha Suxufiyiinta oo kulmay+Sawiro
Labada Masuul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa madaxbanaanida Saxaafadda bulshada ku hadasha afka Somaliga iyo sidii tababaro loogu sameeyn lahaa Wariyeyaasha ku cusub Masraxa Saxaafadda Somalia
Inkastoo aan la ogeyn waxyaabaha ay sida gaarkaa uga wada hadleen Cabdi Shakuur Mire iyo Dahir Alasow hadana kulankooda waxaa ka qeybgalay Wariyeyaal waaweyn oo ay ka mid yihiin Qoraa sare Abukar Sheikh Ahmed Al Badri iyo Abdi Nasir Guuleed oo ka mida Wariyeyaasha ka hoowlgala warbaahinta la hadasha Caalamka.
Cabdi Shakuur Mire Adan Cobol wuxuu ka mid yahay Ururka qorayaasha Pen,waana Wariye caana oo la tirsho inuu gacan weyn ku lahaa kobaca Saxaafadda madaxa banaan ee Puntland.
Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta Puntland iyo Hogaamiyaha Suxufiyiinta oo kulmay+Sawiro
By Abdi Mohamed-