
ASOJ oo taageertay dhismaha Federadion of Somali Journalist (FESOJ)
Gudoomiyaha ururka isku taga Suxufiyiinta Somalia ee ASOJ Dahir Abdulle Alasow ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo Dalladda Federation-ka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan FESOJ kaasoo looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho
"Waxaaan aad ugu faraxsanahay oo aan aad u soo dhaweynayaa dhismaha uruka xiriirka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho,sababtoo ah saxafiyiinta Soomaaliyeed waxaa soo wajahay dhibaatooyin farabadan oo isugu jira in sahqadooda lagu dilo,waxaa kaloo dhibaatada haystay saxafiyiinta ka mid ahaa inay waayeen hogaan mideeeya saxafiyiinta Somalia, waana Nisiib wanaag hadii maanta lahelay xiriir mideeya saxafiyiinta"ayuu yiri Gudoomiye Dahir Alasow
Waxuu sheegay Dahir in loo baahan yahay in saxafiyiintu ay taageeraan ururkaan cusub si loo hello xiriir iyo isku xir wanaagsan oo lagu mideynayo saxafiyiinta Somalia,isla markaana ay uga hor yimadaan codkooda mideysan shaqsiyaadka caadaystay inay ku dhex Nooladaan kala daadsanaanta Saxafiyiinta,magacoodana ku dawarsadaan si ay dhaqaalo ugu helaan.
Hadalka ASOJ ayaa ku soo begmaya xili maanta magaalada Muqdisho looga dhawaaqay urur balaaran oo mideynaya saxafiyiinta Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan tasoo u muuqata in ay soo dhamaanayso kala daadsanaantii Saxafiiyinta Somalia
ASOJ oo taageertay dhismaha Federadion of Somali Journalist (FESOJ)
ASSOCIATED SOMALI JOURNALISTS