
Wariye iyo Farshaxaniiste Somalia loogu necbaa hadana loogu jecel yahay.
Mogadishu 15 April 2010 Asoj.org -
Farshaxaniiste Amin Amir Mohamed iyo Wariye Dahir Abdulle Alasow waxay noqdeen
labada loogu necbaa Somalia intii u dhaxeysay 2005-2009 maxaa yeelay waxay si
weyn u faafiyaan sawir gacmeedyo iyo Warbixino ka hor imaanaya siyaasadda
kooxaha sheegta Islaamiyiinta Somalia.
Amin Arts wuxuu si joogtaa u faafiyaa Sawir gacmeedyo uu ku muujiyo tacadiyada
ay geysanayeen kooxahii ku mideeysnaa Golahii Midowgii Maxaakiimta.ee fashilka
iyo isnaceybka ku aakhirsaday.
Kartooniska Amin Arts waa kuwa aan laga xiisa
dhaceeyn oo ku saleeysan xaqiiqada waxa ka jira gudaha Somalia iyo hab dhaqanka
siyaasiyiinta garabyadda.
Wariye Dahir Alasow wuxuu ahaa Wariyahii ugu horeeyay ee si toosa wax uga qoray
kooxda Mayalka adag ee Al-Shabaab sanadkii 2005-2010,waxay Somali badan ku
naceen faalooyin uu ka qori jiray qatarta ka dhalan karta in la taageero kooxda
Al Shabaab iyo isagoo sheegay magaca runtaa ee Hogaamiyaha Al-Shabaab Ahmed Abdi
Aw Mohamud Godane oo isu bixiyay (Sheik Mukhtar Abu Zubeyr)13 March
2004.
Wuxuu sheegi jiray in kooxaha sheegta Islaamiyiinta gaar ahaan
Al-Shabaab yihiin koox ku xiran Al Qaeda.
Dahir Alasow, Waa senior Journalist
ka soo shaqeeyay Idaacada iyo telefishinkii STN TV hadana waa hogaamiyaha Ururka
isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ,iyo Tifaftiraha guud ee
Waagacusub.com.
Warbixin laga qoray sanadka cusub ee 2010 lana soo dhigay
barta Internetka ayaa lagu yiri” Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist,
a leader of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com, and outstanding
commentator with fearless check on actions of the political groups and others
players through investigative journalism, plus defender of the public interest
and voice to the voiceless through "the truthful tip of his truth
pen"
Al-Shabaab iyo Islaamiyiinta Somalia oo taageero badan ka heystay
shacabka ayaa sababtay in Kartooniste Amin Amir iyo Dahir Alasow noqdaan labada
Journalist ee Somalia loogu necbaa,loona arkay inay ku shaqeeynayeen fikrado
shisheeye hasse yeeshee sanadka 2010 waxay noqdeen labada loogu jecel yahay
Somalia ee sida joogtadaa loo xiiseeyo websiteyada ay fikradahooda ku
bandhigaan.
Dahir Alasow iyo Amin Arts waxay kooxda Al Shabaab ku riday xukun
la xiriira in la dilo,oo lagu bartilmaameedsado halka ay joogaan laakiin weli
waa ay nool yihiin oo waxay labadooda kala degan yihiin Canada iyo
Netherlands.
Dahir Alasow Websiteka uu maamulo ee Waagacusub.com ayaa noqday
kan Somalida ugu booqashada badan tahay maxaa yeelay wuxuu ku faafiyaa warar
xasaasiya oo lagu sheego wax dhici doona oo isbedelo
xambaarsan.
Waagacusub.com laba sano ka hor ayey kooxda Al Shabaab ka
mamnuucday in laga akhristo degaanada ay maamusho ee gudaha Somalia waxaana la
xiray,la dilay dad iyo Wariyeyaal looga shakiyay inay si hoose ula
shaqeeyaan.
Wariye Alasow waxay dadka qaarkiis rumeeysan yihiin inuu ku xiran
yahay Saraakiisha sare ee arrimaha Somalia gaar ahaan Wardoonka maxaa yeelay
wuxuu soo bandhigaa dhacdooyin ducomentsyo leh sida ninkii isku qarxiyay Hotelka
Shamo Mogadishu 3 December 2009.oo ahaa nin ka tegay Denmark una dhashay beesha
Ogadenia.
Dahir Alasow wuxuu faafiyaa warar ku saleeysan xaqiiqada iyo
faalooyin,waxaana xusid mudan waxyaabaha uu qoro inay run noqdaan sanad ama
bilooyin kadib sida in Kursiga Madaxweynenimada Somalia loo wado Madaxweynaha
xilligaan ee Shariif Sheekh Ahmed iyo weerarada inta badan ay ku kacaan
Al-Shabaab.
Xilli Shabaabka aad looga baqo ayaa Waagacusub.com la soo dhigay
laba sano ka hor meydadka Saraakiisha sare ee Al-Shabaab kadib markii lagu dilay
dagaal ka dhacay Magaaladda Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Warbaahinta madaxa
banaan ee Somalia oo cabsi darteed aan faafin jirin wararka Al Shabaab hada
waxay u muuqdaan inay cabsidii faraha badneed ka baxayaan,una istaageen inay
sheegaan xaqiiqooyinka iyo tacadiyada ay ku kacayaan kooxda Al-Shabaab mar hadii
ay nool yihiin Amin Arts iyo Dahir Alasow.English in this
article
By Mss Farhiya
Mohamed
Mogadishu,Somalia
Wariye iyo Farshaxaniiste Somalia loogu necbaa hadana loogu jecel yahay.
Mogadishu 15 April 2010 Asoj.org -