
Asoj waxay Cambareyne amarka Xisbul Aweys
Mogadishu 04 April 2010
Asoj.org- Associated Somali Journalists waxay cambaareeynee amarada lagu wiiqaa
Xoriyatul qoowlka ee ka soo baxay shaqsiyaadka sheegta inay hogaamiyaan Xisbiga
ka dagaalama gudaha Somalia.
“Hadalka Macalin Xaashi waxaan u aragnaa riyo maalmeed,waxay nala tahay in Xisbigu raaligelinayaan kooxda Al Shabaab ee dishay Saraakiishooda sidaasi darteed waxaan ku baaqeeynaa in Idaacadaha madaxa banaan go'aan mida qaataan,” ayuu yiri Dahir Abdulle Alasow, oo ah Gudoomiyaha Associated Somali Journalists. “Amarka Xisbiga waa mid si cad loogu caburiyay Saxaafadda madaxa banaan waxaana ka dhalan doono fashil siyaasadeed oo ku habsada kooxda soo saartay,” ayuu hadalkiisa ku deray.
Alasow wuxuu Maamulayaasha Idaacadaha ugu baaqay inay shaqo joojin sameeyaan ,mudada ay ka guurayaan degaanada ay maamulaan kooxaha ku xiran Argagixisada Caalamka.
Asoj waxay Cambareyne amarka Xisbul Aweys
Mogadishu 04 April 2010