
ASOJ” Xildhibaan Somalia ayaa ku lug lahaa afduubkii Weriyeyaasha ajnabi”
Associated Somali Journalists waxay Dowladda Federalka Somalia ugu baaqeeysaa in cadaaladda la horgeeyo Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federalka Somalia oo ku lug lahaa afduubkii duleedka Mogadishu loogu geystay laba Weriye oo u kala dhashay Canada iyo Australia 23 August 2008.
Asoj waxay xaqiijineysaa in afduubtayaasha labada Weriye ay hore uga amar qaadan jireen Xildhibaanka ku jira baarlamaanka Somalia ,oo intii uusan ka mid noqon golaha baarlamaanka hore u ahaa taliye Maleeshiyo beeleed.
Weriyeyaasha Asoj ee baarayay mudada dheer afduubka Somalia loogu heystay Amanda iyo Nigel waxay xaqiijinayaan in Xildhibaan ku jira baarlamaanka Somalia uu lacagtii madax furashada ka qaatay qeyb.
Weriyeyaasha waxay sidoo kale xaqiijinayaan in Amanda Lindhout ku afduubneed guri Xildhibaanka uu ku leeyahay Degmadda Huriwaa ee Magaaladda Mogadishu.
Lacagta madax furashada ee afduubtayaasha ka qaateen Amanda iyo Nigel oo dhan lix boqol oo kun dollar waxay ku iibsanayeen dhul ku yaal Mogadishu.waxaana Dowladda Federalka Somalia looga baahan yahay inay kooxahaas dimbiyada waaweyn galay horgeeyaan cadaaladda maadama la wada yaqaan.
Gudoonka Baarlamaanka Somalia iyo madaxda Dowladda waxay Associated Somali Journalists ugu baaqeeysaa inay xil iska saaraan sidii Mudanhaas ku lugta leh dimbiyada loo horgeyn lahaa cadaalada ,loogana saari lahaa baarlamaanka Somalia oo ah Hay’ada sharci dejinta qaranka Somalia.
Associated Somali Journalists waxay garabyadda siyaasadda Somalia ugu baaqeeysaa inay joojiyaan tilaabooyinka guracan ee lagu waxyeeleeynaa Weriyeyaasha ka hoowlgelaya gudaha Somalia iyo Warbaahinada ay u shaqeeyaan.
Best regards,
By Dahir Abdulle Alasow
Chairman, Associated Somali Journalists
DAHIR ALASOW: A senior Radio and TV journalist, a leader of a press watchdog ASOJ and the editor of waagacusub.com, is the outstanding commentator that criticizes the political parts he is "the truth pen" that writes only for the public interest and defends the truth.
ASOJ” Xildhibaan Somalia ayaa ku lug lahaa afduubkii Weriyeyaasha ajnabi”
Warsaxaafadeed 28/11/2009