
Nin kah yiri xanuunsay, ururka IFJ oo kusoo biirey dagaalka saxaafada Somalia.
Mogadishu 22 October 2009
Wax noqonaya astaantii ugu weyneeyd ee muujineysa halka
la’isla gaaray dagaalka afka dhaafay ee ka dhaxeeya ururada saxafiyiinta
Soomaalida, ayaa waxaa dagaalka si toos ah ugu soo biirey ururka caalamiga ah ee
saxafiyiinta IFJ kaasoo naas nuujiya NUSOJ.
War qoraal ah oo hanjabaad ah oo uu ururka soo saaray ayaa lagu sheegey in
ururka uu baari doono, isla markaasina ay talaabo ka qaadi doonto dad ay ku
tilmaamtey in ay dacaayado ka faafinayaan ururka saxafiyiinta Soomaalida ee
NUSOJ, iyadoo farta lagu fiiqayo ururo kale oo saxaafadeed oo Soomaaliya ka jira
kuwaasoo xaq duudsiin iyo sad bursi ku heysta NUSOJ.
Weedh layaab leh oo
ku jirtey qoraalka IFJ ayaa ahayd in NUSOJ uu yahay ururka kaliya ee xaqa ah ee
ka jira Soomaaliya kana shaqayn kara, weedhaasi waxay saxafiyiinta kale ka
xayuubineysaa xaqa in ay ururo samaystaan isla markaasina helaan gunooyinka
gargaarka ee loogu talogalay inta iyaga kaga aadan. sidoo kalena waxay meesha ka
saareeysaa inuu xaquuq Suxufinimo yeesho shaqsi aan adeecsaneyn siyaasada
,qorshayaasha guracan ee Nusoj ninka sheegta.
IFJ ayaa waxay ku
qasbanaatay in ay hoosta ka xariiqdo taageerada ay u heeyso ururka NUSOJ ee uu
hogaamiye Cumar Faaruuq, isla markaasina u caggo jugleyso dad ay sheegeen inay
dacaayado ka fidinayaan.
Tani waxay ugu dambeeysay astaamo isa soo
taraya oo muujinaya daadad iyo duufaano kusoo rogmanaya ururka NUSOJ oo tuubo
ugu jirto malaayiin doolar oo loogu tallogalay in lagu caawiyo saxafiyiinta
Soomaaliyeed.
Tani waxay ka dambeeysey markii dhawaan Nairobi lagu
dhisey urur saxafiyiin oo matala saxafiyiinta Soomaaliyeed ee qurba joogta ah
kaasoo taageero lixaad leh kasoo jiitey inta badan saxafiyiinta Soomaalida ee
kala jooga daafaha aduunka, dhawaan waxa uu ururku doortey Gudoomiye cusub oo
loo doortey Mudane Maxamed Cabdullaahi (Siidii), kadibna waxaa lagu dhawaaqay
xubnihii maamulka oo ay ka mid yihiin wakiilo dalalka kala jooga.
Kadib
arrinkaasi waxay NUSOJ ku qasbanaatay in ay Nairobi xafiis uga furto si ay isu
hortaagto dhaqdhaqaaqa xuquuq raadsiga ah ee ururkani cusub, waxaana maalmihii
dhawaa bogaga warbaahinta kusoo baxayay qoraalo ka dhan ah ururkani, iyadoo
dagaalka uu sii lixaadsaday.
Weriyeyaasha Soomaaliyeed waa inay u
istaagaan,dagaal la mida kan lala gala gumeeystaha,waxaana xusid mudan in
natiijada guusha dhaw dahay oo baroorta Aidan White ka marqaati
kacee.
Aidan White hadalkiisa waa inaan si sahlan looga harin,waana in
loo qabto Lawyer si sharciga loo horgeeyo,iyadoo xusid mudan tahay inuu ka
masuul noqon doono hadii ay dhacdo in Weriyeyaal lagu dilo gudaha Somalia.
By Fuad Mohamed Elmi
Nairobi - Kenya
Nin kah yiri xanuunsay, ururka IFJ oo kusoo biirey dagaalka saxaafada Somalia.
Mogadishu 22 October 2009