
Asoj oo IFJ ku eedeysay xadgudub ka dhana Saxaafadda Somalia.
Mogadishu 21 October 2009
Ururka isu taga Suxufiyiinta Somalia ee Asoj ayaa si kulul u
cambaareeyay hadal uu ku saxiixnaa Adan White oo ah Xoghayaha Ururka IFJ.(20
October 2009).
Gudoomiyaha Asoj Dahir Abdulle Alasow wuxuu tilmaamay in Xoghayaha guud ee
Ururka IFJ halis ku yahay dadaalada ay Suxufiyiinta Somalia isaga xoreeynayaan
shaqsiyaadka ku qaraabta magaca Saxaafadda Somalia ee astaanta u noqday falal
naxdin iyo qaracan badan.
“ Hadalka Adan White waxaanu u aragnaa
hanjabaad soo shaac baxday waqti kala guura oo dhamaan Weriyeyaasha Soomaaliyeed
gacmaha is qabsadeen,kana samin yihiin in la ciribtiro kuwa NGO lagu qaraabta ka
dhigtay magaceena,anaga waxaanu sii wadi doonaa dagaalka aan ugu jirno in
Saxaafadda Somalia ka xoroowdo shaqsiyaadka aan aqoonta Saxaafadda
lahayn,runtiina waa hubaal in laga guuleeysan doono keli talisyada, sidii looga
guuleeystay keligii talisyadii dunida soo maray” ayuu yiri Mudane Dahir Abdulle
Alasow.
Associated Somali Journalists waxay taageero buuxda u dirtay
dhamaan Ururada Saxaafadda Somalia ee sida hagar la’aantaa ugu shaqeeynaya
horumarinta Suxufiyiinta Soomaaliyeed dal iyo dibad meelkastoo ay dunida ka
joogaan.
Asoj waxay bogaadineysaa Ururada Saxaafadda Somalia ee astaanta
u noqday waxqabad dhaba,isuna kaashanaya Cadaalada iyo horumarka
sida:-
1-Somali Exiled Journalists Association
(S.E.J.ASS)
2-Somali Journalists rights Agency (SOJRA)
3-Women
Journalists in Action (WOJA)
4-Somali Coalition for Freedom of Expression
(SOCFEX)
5-Somali Women Journalist Association (SOWJA)
6-South and
Central journalists Association (SOCJA)
Asoj waxay ku baaqeeysaa in la
sii laba laabo dadaalada wax ku oolkaa si loo helo cadaalad,Midnimo iyo difaac
adag oo gabaad u noqon karo dimoqoraadiyad ku taagan caga adag.
Waxaan
dareemeeynaa in Xoghayaha IFJ Mr Adan White jecel yahay hab dhaqanka keligii
talisnimada,waxaan u sheegeeynaa inaan nahay Somali,kana xoroownay
gumeeystayaashii Ingiriiska iyo talyaniga July 1, 1960 sidaasi darted waa muhiim
in qof waliba ogaado in laga gudbay wixii jiray qarnigii 19 aad.
Waxaanu
ognahay inaan lacag badan heeysan,waxaanu ognahay inaan ducomentiyo socdaal
heeysan badankeen,waxaanu ognahay in nalooga faa’iideeystay dowlad la’aanta
dalkeena ka jirtay 19 sano balse waxaanu heeysanaa niyad wanaagsan oo suurtagal
ka dhigeeyso in rabitaankeena meelmaro,inaan cidna magaceena ku
shaqeeysan,waxaana ugu dambeyntii ugu baaqeeynaa dhamaan Ururada Xaquuqul
insaanka,Saxaafadda Madaxa banaan sida Amnesty International,Human rights
Watch,CPJ,RSF,IFEX iyo NED inay dalka Somalia u soo diraan gudiya madax banaan
si ay xaqiiqada u ogaadaan,loona sameeyo xog aruurin lagu xaqiijin karo waxa uu
yahay rabitaanka Weriyeyaasha Soomaaliyeed iyo inta ay la egtahay taageerada ay
heeystaan kuwa sheegta inay metelaan Saxaafadda Qaranka
Somalia.
AbdulFitah
Mohamed
Mogadishu-Somalia
Asoj oo IFJ ku eedeysay xadgudub ka dhana Saxaafadda Somalia.
Mogadishu 21 October 2009