
Ururka saxafiyiinta K/Afrika oo taageerey doorashadii Suxufiyiinta qurba joogta ee Nairobi
Johanesburg 14 Setember 2009
Ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee dalka K/Afrika (SOJASA) ayaa si diiran usoo
dhaweeyey doorashadii shalayto lagu doortay gudoomiyaha cusub ee saxafiyiinta
qurbajoogta ee Nairobi, wuxuuna ururka u hambalyey Maxamed Cabdullaahi Siidii oo
loo doortey gudoomiyaha cusub
Gudoomiyaha SOJASA mudane Maxamed Muuse
Nuur ( Deeq darajo) ayaa ku tilmaamay arrinta doorashada mid taabogal ah oo
muujineysa heerka saxafiyiinta ay diyaar ugu yihiin wax qabad iyo waliba u
doodista xuquuqda saxafiyiinta guud ahaan. wuxuu yiri “aad ayaan ugu
hambalyeeynayaa mudane Siiddii, waxaana ALLE SWT uga baryayaa in xilka weyn ee
loo doortey uu la garab galo mas’uuliyadiisa” .
War qoraal ah oo uu
ururka soo saaray ayaa lagu baaqay in isku xir la sameeyo dhammaan saxafiyiinta
meel kasta oo ay joogaanba. lagana fikiro sidii loo qaban lahaa kullan guud
intii kasoo qeybgali karta.
Cabdinaasir Axmed Sh.Bashiir (saxansoxo) oo
ah xoghayaha ururka ayaa yiri “waa in laga gudbaa wixii hore, waa in aan lasoo
baxnaa kartideena, isla markaasina codkeena la maqlaa, illaa goormee ayaan ku
jireynaa aamusnaan, codkeena dad kale ku hadlayaan” .
Afayeenka ururka
Cusmaan Xassan Fantastic ayaa isaguna dhankiisa sheegey in ay talaabadani tahay
mid lagu farxo oo wanaagsan. Sidoo kale Saxafi sare
C/risaaq C/laahi Maxamed
(indho Jaceyl) ayaa si weyn u taageeray wuxuuna saxaafada dhamaan ugu baaqay in
hiil iyo hooba lagu garab istaagaan gudoomiyaha cusub ee qurbo Joogta
SOJASA [email protected]
Abdi wahid
baadshaa
Capetown , South Africa.
Ururka saxafiyiinta K/Afrika oo taageerey doorashadii Suxufiyiinta qurba joogta ee Nairobi
Johanesburg 14 Setember 2009