
Al-Shabaab oo dil ku xukumay Weriyeyaal Somalia
Kooxda Al-Shabaab ee Somalia ka dagaalanta ayaa dil ku xukuntay Weriyeyaal
Somalia oo la xaqiijiyay inay dalka gudahiisa iyo dibadiisaba ku nool yihiin.
Afhayeenka ururka Alshabaab oo Magaciisa La yiraah Sheikh Ali Mohamud Rage
Ayaa Ku Tilmaamay Dambiilayaal ay Haboontahay in la ciqaabo Tilaabo cadna laga
Qaado,Weriyeyaal uu la xiriirshay inay la shaqeeyaan cadawga alle.
“ Waanu ku raadjoognaa Weriyeyaasha
dacaayadaha fidiyay,waxaana ognahay in qaarkood ay dalka ka baxeen hasse yeeshee
daafaha aduunka meelkastoo ay tagaan,waan la joognaa oo waxay ku baxayaan
gacanta islaamka”ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab Somalia
Associated Somali
Journalists ASOJ wuxuu cambaareeynayaa dilalka iyo hanjabaadaha ay kooxda
Al-Shabaab kula kacayaan Weriyeyaasha madaxa banaan ee Somalia.
Gudoomiyaha
ASOJ Dahir Abdulle Alasow ayaa xaqiijiyay inay heleen ducoments uu saxiixay
Amiirka Al- Shabaab kaas oo ay ku qoran yihiin magacyada Weriyeyaal u dhashay
Somalia.
1.Elmi Osman Farah
Boodhari
2. Ibrahim Mohamed Abdulle Jeekeey
3. Ahmed Omar Haashi
Taajir
4. Bashiir Diiriye Naaleeye
5.Jamila Kassim Mohamud
6.Bile
Gurxan Mohamed
7. Ahmed Abdi Tooyo
8. Abdi Yare Ahmed
Jama
9. Abdi Nasir
Mohamed Omar Zero
10.Abdi Rahmaan Jaakad
11. Ali Muhudiin Ali
12. Abdi
Wahid Nuur Baadshaa
13. Abdi Aziz Mohamud Guled Africa
14. Hassan Musse
Sabriye
15. Laylo Abdi Farah
16. Fardowsa Mohamed Abdulle
Ururka Alshabaab Ayaa loo Tirinayaa
in ay Dilaan In ka badan 25 Wariye Gudaha Dalka Soamlia Sanadihiin 2007, 2008,
2009 iyadoo 6 ka mid ahna la dilay Sanadkaan aan ku guda jirno, Halka in Ka
badan 150 Wariyeyaal ahna Ay ku Barakcaan Daafaha Caalamka.
Al-Shabaab oo dil ku xukumay Weriyeyaal Somalia
Mogadishu 29 Augosto 2009