Weriyeyaasha Somaliyed ee Sweden iyo dhambaalkooda doorashada Kenya

0
Monday July 05, 2010 - 05:43:31 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 5049
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weriyeyaasha Somaliyed ee Sweden iyo dhambaalkooda doorashada Kenya

    Stockholm 13 Setember 2009

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Stockholm 13 Setember 2009 Anigoo ah Abukar Albadri, kana mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed sida aadka u jecel inay saxaafadda Soomaaliyeed Horumarka sameyso waxaan si diiran ugu farxay soona dhoweynayaa doorashadii qiimiga laheyd ee Saxafiyiinta Soomaaliyeed ku qabteen dalka Kenya.
 


Anigoo ka wakiil ah dhamaan Bahda Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sweden, waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u soo dirayaa Saxafiga Soomaaliyeed qaaliga ah Maxamed C/Laahi Siidii ee ku guuleystay doorashadii hogaanka Guddiga saxafiyiinta Soomaaliyeed ee qurba Jooga ah.

Waxaa niyad sami wayn na gelisay, haddii aan nahay saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool Sweden, sida xilkasnimada leh ee ay u dhacday doorashada oo aheyd tii ugu wanaagsaneyd abid ee ay saxafiyiinta sameeyaan, waxaana bogaadin arrinkaas uga soo jeedineynaa guddiigii dorashada qabanqaabiyey ee maamulay oo muujiyey hufnaan gaar ahaaneed.

Sidoo kale waxaan Hambalyo leenahay Musharaxa la tartamay Siidii oo ah saxafi nagu weyn Md. Ibraahim Daa’uud Cabdalla (Gentleman) oo isaga muujiyey geesinimo dheeri ah oo ifineysa in lagu daydo sida wanaagsan ee uu ugu qancay in tartanka lagu badiyey.

Hambalyo taas la mid ah waxaan u direynaa Guddiga maamulay doorashada iyo odayaasha Rugcaddayaasha ah ee goobjooga ka ahaa, sida Ustaad C/qaadir Maxamed Mursal, Ustaad Maxamed Addan Terra, Ustaad Xasan Ciise Cali (Xasan) Kuuriya iyo Md. Cibaar Sheikh Cali, aad ayuu noo farxad geliyaydoorka ay ku lahaayeen arrintaas, waxaana Rajeyneynaa inuu guddigan noqodo guddi ay saxafiyiinta danahooda ku ilaashadaan oo aan la isku qabqabsan insha Allaah.

Anaga, haddii aan nahay saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan Sweden, waxaan hiil iyo hooba la garab taagan nahay Guddiga iyo Hogaankiisa cusub, waxaana Md. Siidii Leenahay Hambalyo, waxaan nahay Garabyadaada midig iyo bidix, nagu tasho goor walba, waxaana u soo jeedineynaa inuu la yimaado qorshe saxafiyiinta danahoodalagu ilaalin karo, lagu walaaleyn karo, waxna lagu tari karo kii markaas ay dhibaato la soo deristo.

Dhambaalkan wuxuu xambaarsan yahay Salaan, Hambalyo iyo Bogaadin ay si wada jir ah ugu Soo jeedinayaan Guddiga Saxafiyiinta, Odayaasha Saxafiyiinta iyo Hogaanka Cusub ee Siidii loo doortayba, saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden ee kala ah:

1. Abukar Albadri.
2. Ikraam Cali Kaar
3. Fardowso Sheekh Xassan (Kuuriya)
4. Cabdi Fitaax Muxyadiin Nuur (La Jeclow)
5. Farxiyo Cali Qaajo.
6. Zamzam C/Laahi Cabdi.
7. C/Raxmaan Xudeyfi
8. Maxamed Cadulle Xassan Siidii
9. C/Laahi Iimaan.
10. Shukri Siidow Xasan
11. C/Raxmaan Diiriye Nuur.
12. Laylo cabdi Faarax
13. Qaasim C/qaadir.
14. Badri Cabdi Rooble.
15. Hindi Cumar Ciise.
16. Shamso Axmed Xasan.
17. Cabdi Yare Axmed Jaamac.

Waxaan Ilaah SW ka rajeyneynaa inuu guddiga iyo hogaankiisaba la garab galo hawsha loo igmaday, kuna guuleysiiyo hadafkooda saxda ah.
Wabillaahi Towfiiq.

Abukar Albadri,
Stockholm, Sweden.
[email protected]


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip