
Hogaamiyeyaasha Ururada Saxaafadda Somalia oo ka hadlay guusha Suxufiyiinta Nairobi +Sawiro
Mogadishu 12 Setember 2009
Gudoomiyaha Ururka dhaqdhaqaaqa Saxaafadda Haweenka Somalia ee WAJO Marwo
Fardowsa Sheekh Hassan Kuuriya ayaa hambalyo u dirtay Gudoomiyaha cusub ee ku
guuleeystay doorashadii Weriyeyaasha qurba jooga sida dimoqoraadigaa ugu
qabsadeen Nairobi.

"Waxaan hambalyo
u dirayaa Gudoomiyaha cusub ee Mohamed Siidii,waxaana gabdhaha Saxaafadda
Somalia dhamaan ugu baaqayaa inay taageero hiil iyo hoo leh la garab istaagaan
,si loo adkeeyo midnimada Suxufiyiinta Soomaaliyeed"ayey tiri Fardowsa
Kuuriya.

Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Somalia ee ASOJ
Dahir Abdulle Alasow ayaa doorashadii Weriyeyaasha ku qabteen Kenya ku sifeeyay
mid taariikhiya,wuxuuna hambalyo u diray hogaamiyaha ay doorteen ee Mohamed
Siidii.
"Markaan daawaday sawirada,la sheekeeystay Weriyeyaashii ka
qeybgalay doorashada,waxay igu beertay farxad,hada waxaan dareemayaa in
Warfidiyeenada Somalia ka gudbeen is naceybkii ka dhaxeeyay,waxaan ka
marakacayaa in la qaaday tilaabo wax ku oola,waana mid taariikhda gashay"ayuu
yiri Dahir Alasow.

Dahir Abdulle
Alasow,wuxuu bogaadiyay dhamaan Weriyeyaashii ka qeybgalay
doorashada.
"Somalida waxay ku maahmaahdaa,kuu sheekeeye,kaa sheekeeye
hala sheekeeysan,waxaa caqli daran qofkii ku fikiraya inuu boobo xaqooda 82
Weriye ee sida quruxda badan isugu tegay kalsan ,codkooda u dhiibtay hanaan
dimoqoradiya,waxaan doorashada dhacday ku ogaanay shaqsiyaadka hagar daamada ku
hayay horumarka Saxaafadda,waxaana xusid mudan inay 11 Setember kadib noqon
doonaan duko cambaar leh,oo ku horkufay Saxaafada madaxa banaan"ayuu ku
celcelshay Dahir Alasow.

Dahir Abdulle
Alasow wuxuu qeybaha Warbaahinta ugu baaqay inay ka feejignaadaan beenta
qoowleeysatada Saxaafadda ee ka naxsan isku duubnida Weriyeyaasha
gaareen.
" Website-yada qaar ayaan ku arkay warar lagu qoray oo aan ka
daba tegay shaqsiyaadka soo gudbiyay,toloow miyey u dhiman tahay ceeb,hadii la
faafiyay muuqaalkii doorashada iyadoo aan loo kala harin,ma waxay gaareen guul
mise waxay meel kaga dhaceen magacooda,kan Website-yadii ay beenta u
direen,walaahi waxaan oran karaa,kaarkooda ayey iska gubeen,waxayna u tahay ceeb
iyo xishood daro"ayuu Dahir Alasow ku koobay hadalkiisa.
Gudoomiyaha
Ururka u dooda xaquuqda Weriyeyaasha Soomaaliyeed ee SOJRA Daa'uud Abdi Daa'uud
ayaa dhambaal Hambalyaa wuxuu Warbaahinta u marsiiyay Gudoomiyaha cusub ee
Saxaafadda Mohamed Siidii,wuxuuna kula taliyay inuu si feejigan u soo
dhiso,xubno wax ku oola,si hoowlahii loo igmaday loo guda galo


" Ma jirto farxad iiga weeyn,inaan goobjoog u
noqdo,Weriyeyaasha Somalia oo si mida codkooda u dhiibanaa iyo buuq la'aan laba
musharax oo ay u kala codeeynayaan,waa dhacdo xasuus mudan,waa tusaale
wanaagsan,oo in la raadraaca mudan"ayuu yiri Daa'uud Abdi
Daa'uud.
Daa'uud wuxuu ayaan daro ku tilmaamay in qoowleeysatadii
saxaafadda markii laga tashaday ay laaluush siisay gabadha Universal uga soo
waranto Kenya si aysan u baahin warka doorashada.
" Universal Tv hadii
aan nahay bahda Saxaafadda Somalia dacwad ayaanu ka nahay,waxaana hubaa inuusan
sii shaqeeyn karin laaluush"ayuu yiri Daa'uud Abdi Daa'uud.
Mohamed osman
Sheekh Qadaafi oo ah Xoghayaha xiriirka bulshada ee Ururka ASOJ ayaa isagana
hambalyo gaara u diray Mohamed Siidii,oo ay bahda saxaafadda isku mar soo wada
galeen.

"Waa masuul u qalmo xilka loo igmaday,waa shaqsi ku caama
cadaalada,aniga aqoon badan ayaan u leeyahay,isku maalina imtixaanka ayaan wada
galnay,waxaan saaxiibkeey Siidii u rajeeynayaa guul iyo xil gudasho
wanaagsan"ayuu ku koobay hadalkiisa Weriye Qadaafi.
Doorashada ka dhacday
Kenya ee Weriyeyaasha Soomaaliyeed ku sameeysteen hogaanka waxay suuqa ka
saartay shaqsiyaadkii doonayay inay magaca Suxufiyiinta u adeegsadaan qaab
NGO,waxaana tani ay ka turjumee sida Saxaafadda Somalia uga gudubtay been iyo
qiyaano mudo lagu maaweelin jiray.
Mohamed
Abdi
Mogadishu-Somalia
Hogaamiyeyaasha Ururada Saxaafadda Somalia oo ka hadlay guusha Suxufiyiinta Nairobi +Sawiro
Mogadishu 12 Setember 2009