Weriyeyaasha Soomaaliyeed ee Mareykanka oo hambalyo u diray Gudoomiye Siidii.
Washington 12 Setember 2009
Weriyeyaasha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka ayaa hambalyo u diray
Warfidiyeenada Somalia ee sida isku duubnidaa ugu doortay Weriye Mohamed Siidii
,Gudoomiyahooda.

Ahmed Ali Sheekh,Abdi Sheekh Hassan iyo Hussein Qasim Nur (Sheekha) ayaa hambalyo gaara waxay u direen Gudoomiye Mohamed Abdullahi Siidii,waxayna ugu baaqeen dhamaan Saxaafadda Somalia dal iyo dibad in lala garab istaago taageero baaxadweyn,oo ka turjumeyso midnimada iyo xoojinta Saxaafadda madaxa banaan.
Weriye Abdi Nasir Mohamud Omar (Zera) oo ka mida rug cadayaasha Saxaafadda Somalia,ahna macalin wax soo baray ama soo saaray Weriyeyaal magac leh,ayaa Waagacusub u soo diray dhambaal uu ku taageerayo doorashada uu ku guuleeystay Weriye Siidii.
Dhambaalka hambalyada iyo taageerada isugu jira ee Weriye Zero wuxuu u qoran yahay sidaan:-
ku:- Dhamaan Warfaafinta.
Seattle.
Ujeeddo:- Hambalyo.
Anigoo ah Weriye:-C/naasir Maxamuud Cumar (Zero), kuna hadlaya magaca warfidiyeenada soomaaliyeed, ee ku sugan waddanka maraykanka. waxaan halkaan uga hambalyaynayaa Md. Maxamed C/laahi Aadan (Siidii), oo cod Aqlabiyad ah loogu doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Cusub Ee weriyayaasha Dibad-joogga Soomaaliyeed Ee Waddanka kenya, waxaan leeyahay Hambalyo.
Waa arrin lagu farxo, in weriyayaasha Qurba joogta Soomaalida ah Ee Kenya ay si dimoqoraadi ah u doorteen Hoggaan cusub.
waxaan leeyahay Nolosha Bani'aadamku Hoggaan la'aan ma socon karto.
Hambalyo ayaan leeyahay mar labaad.
C/naasir Maxamuud Cumar (Zero),
Seattle-Washington-USA.