
Weriyeyaasha Somalia ee kenya oo cod aqlabiyad leh ku doortay hogaan+sawiro
Nairobi 12 Setember 2009



Doorasho loo agaasimay heer Qaran ayna ka qeybgalayeen
dhamaan Weriyeyaasha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya,Warfidiyeeno ka kala
yimid Somalia,Uganda,Ethiopia,Somaliland iyo Jibouti ayaa ka dhacday Magaalada
Nairobi ee dalka Kenya.

Doorashada oo ay
kormeerayeen goobjoogayaal loo xulay,oo isugu jiray rug cadaayaasha Saxaafadda
iyo siyaasiyiin laga xusi karo Mohamed Ahmed Teera,Abdulkadir Mohamed
Mursal,Hassan Ali Kuuriye iyo Cibaar Sheik Bashiir ayaa Hoolka Xarunta Tala
bixinta iyo shaqaaleeynta ee Kalsan ka bilaabatay labadii duhurnimo,halkaas oo
ay iskugu tageen 82 Weriyeyaal ka soo barakacay Somalia.


Doorashada waxaa lagu
furay Aayadaha Qur'aanka Kariimka kadibna waxaa la akhriyay jadwalka doorashada
u dhaceyso,waxaa tartanka Gudoomiyenimada Weriyeyaasha qurba joogta Somalia ee
Kenya isu sharaxay laba Weriye oo kala ah,Mohamed Siidii iyo Ibrahim Da'ud
Gentlemen.

Labada Musharax ayaa ka hadlay xaflada doorashada,wuxuuna
mid walba Weriyeyaasha u akhriyay barnaamij ka turjumayay waxqabadkiisa hadii
doorashada uu ku guuleeysto iyo sidoo kale taariikh
nololeedkiisa.
Khabiiradda Saxaafadda ayaa lagu soo dhaweeyay
Microphone-ka,waxayna jeediyeen khudbado la xiriiro sida ay ugu faraxsan yihiin
in Weriyeyaasha Somalia ee ku sugan qurbaha isu abaabulaan heer Qaran,si ay
Aayahooda uga tashadaan.

Rugcadaayaashaa
Saxaafadda Somalia waxay Weriyeyaasha Soomaaliyeed kula dardaarmeen inay
adkeeyaan midnimadooda,isna qabsadaan gacmaha.








Waxaa biloowday
tartankii doorashada oo ahaa codeeyn qarsoodiya,waxayna ku codeeynayeen
sanaadiiq muuqaal ahaan laga dhex arkayo ,warqada codeeyaha .

Doorashada
oo ahayd dhabo looga gudbayay kala qobqobnaanta Saxaafadda Somalia ee qurbaha ku
nool,waxay doorteen si dimoqoraadiyada hogaanka Weriyeyaasha Somalia ee ku nool
Kenya.

Gudigga doorashada ee codadka tirinayay,waxay ku dhawaaqeen in
Mohamed Abdullahi Siidii helay,47 Cod halka Ibrahim Da'ud Gentlemen helay 30
Cod,sidoo kalena 2 cod ayaa halaabay,3 Weriye ayaan codeeyn,waxaana sidaas ku
guuleeystay Mohamed Abdulahi Siidii.


Musharaxa Mohamed
Abdullahi Siidii waxaa codadka u tirinayay Said Omar Baaffo,sidoo kalena
Musharaxa la loolamay ee Ibrahim Gentlemen waxaa codadka u tirinayay,oo uu
wakiishay Jawahir Urur Nageeye.

Jawaahir Urur
Nageeye,waxay ka maqsuuday sida dimoqoraasiyada leh ee loogu codeeyay Musharaxa
ay wakiilka u ahayd.

Weriyeyaashii ka qeybgalay doorashada waxay hambalyo
gaara u jeediyeen gudigga qabanqaabada doorashada,Gudoomiye Fuad Mohamed Elmi,Ku
xigeenka Bishaaro Mohamed Ibrahim,Xoghaye Farah Blue,xubin Daa'uud Abdi
Daa'uud,waxaana sidoo kale loo mahadceliyay dhamaan dadkii gacanta ka geystay
qabsoomida doorashada guusha ku dhamaatay sida xarunta Talabixinta iyo
shaqaaleeynta kalsan,Odayaasha Saxaafada Somalia,dhaqtarka weyn ee Dr Mohamud
ahna maamulaha rugta Caafimaadka Al Hidaaya iyo siyaasiga Soomaaliyeed ee Cibaar
Sheekh Ali.
Tani waa biloowgii dimoqoraadiyadda Saxaafadda
Somalia,waxaana ka dhacay Kenya doorasho taariikhiya oo Weriyeyaasha aad uga
maqsuudeen.waxaana la filayaa inuu Gudoomiyaha inuu magacaabo xubnaha la
shaqeeyn doono,iyadoo sidoo kalena maalinta sedexaad ee Ciidda la qaban doono
xaflad lagu caleema saaraa Gudoomiye Siidii.
By Mohamed Abdi Noor Sacuudi
Weriyeyaasha Somalia ee kenya oo cod aqlabiyad leh ku doortay hogaan+sawiro
Nairobi 12 Setember 2009