
Doorashada guddiga Wariyasha dibad jooga oo indhaha lagu wada hayo+ Sawiro
Nayrobi 10 Setember 2009

Doorashada la filayo inay dhacdo
jimcaha nagu soo fooda leh ayaa muuqaal hagaagsan u noqonaysa midnimada ay
gaareen wariyasha Soomaaliyeed ee soo barakacay, badankoodna ku nool wadamada
geeska afrika gaar ahaan wadanka Kenya.
Qaar badan oo kamid ah wariyasha
Somalida eek u noolaay wadamada Ugandha, Jabuti iyo maamulka Somaliland ayaa
magalada Nairobi yimid si ay uga qeyb noqdaan doorashada, una dhiibtan
codkooda.

Tiro wariyaal o u dhexeysa 55-84 ayaa la saadalinayaa inay codkooda
dhiiban doonan maalinta Jimcaha (11-septemper-2009) marka xarunta Kalsan Centre
ay wariyasha iskugu yimadan.
Guddiga doorashada ayaa howshooda si dar dar
ah u wado iyagoona diyaariyay xeerarkii ay ku dhici lahayeen doorashada una wada
gudbiyay inta badan wariyasha ka qeyb galayo doorashada.
Doorasho ku
dhacda si cadaalad ah ayaa waxa keeni doonta in kooxda la doorto inay
hogaamiyaan wariyasha dibad jooga ay helaan fursado muhiim ah oo wax ugu qaban
karaan xaalada cakiran ee suxufiyinta Somalida ee soo barakacday.

Sidoo kale waxa
indhaha ku haya doorashadan ururada saxafada Somalida oo qaarkood ay soo
dhaweyen inay wariyasha midooban, sameystaane doorasho xalaal ah, halka qaar ay
diidan yihiin oo ka fikirayaan sidi ay u hor istaagi
lahayeen.
Suxufiyinta Somalida eek u kala nool dafaha caalamka ayaa soo
taagero u balaaran usoo gudbinayo muqaalka dimuqraadiyada ku dheehan tahay ee
dorashada gudomiyaha guddiga suxufiyinta dibad jooga lagu doonayo inlagu
doorto.
Midnimo kasta oo gaaran wariyasha dibad jooga gaar ahaan kuwa
iminka ku sugan magalada Nairobi oo ah aqlabiyada ugu badan inay keento midnimo
sal baraaran oo dhamaan wariyasha Somalida ee dunida ku kala fiiraarsan ay isla
qaataan.
Maxamed C/Nuur Maxamed
"Sacudi"
+254-710233216
Doorashada guddiga Wariyasha dibad jooga oo indhaha lagu wada hayo+ Sawiro
Nayrobi 10 Setember 2009