
Gudoomiyaha ASOJ oo fariin u diray Weriyeyaasha Nairobi.
Gudoomiyaha Ururka isu taga
Suxufiyiinta Somalia ee ASOJ Dahir Abdulle Alasow ayaa Weriyeyaasha Soomaaliyeed
ee ku sugan Magaaladda Nairobi kula taliyay inay cadaalada u hiiliyaan oo ka
xoroobaan qoowleeysatada magaca Saxaafadda Somalia ka dhigatay NGO.
."Weriyeyaasha waxaan leeyahay
waa baahanahay baqtiga looma cuno,been iyo turafatoornimo hore ayaad uga
daasheen,jaanisku wuxuu idin horyaalaa maanta ,warhooy ka faa'iideeysta oo
hogaan cadaalada doorta,waxaana hubaa hadaad doorataan inaad ka baxeeysaan
magaca MA LIIBANAYAASHA LAGU LIIBAANO,Waxaa sharaf iyo karaama idinkuugu jirtaa
inaad gebi ka tuurtaan labada shaqsi ee calooshaad u shaqeeystayaasha,iskana
rideen heeryada qoowleeysatada"ayuu yiri Dahir Abdulle Alasow.
Gudoomiye
Dahir Alasow wuxuu tilmaamay in Musharaxa Mohamed Siidii yahay Weriye qunyar
socoda,oo mudan in hogaanka loo doorto.
"Sahra keef,Laylo Sheekh Aadan,Canab Cabdi Ahmed,Sahra Ahmed,Muna
Hassan Hussein,Maryan Zeylaci,Aadan Kismaayo,Aweys Foodeey,Sunni Said Saleh,Fuad
Mohamed Elmi,Mohamed Mascuud,Da'ud Abdi Da'ud,Said Baaffo,Hassan Baaffo,Sunni
Said Saleh,Hassan Ali Geeseey,Shidane Dabaan,Abdulkadir Dulyar,Ahmed Isse
Qulaan,Abdi Sitaar Dahir Sebriye,Ismael Shakeeti,Mursal Quule,Ismael
Buur,dhamaantiin Saaxiibayaal waxaan fariinteeyda idiin soo marinayaa
Warbaahinta maadama aan shaqsiyadiina aqaan,kalsooni buuxdana idinku
qabo,waxaana idin leeyahay gunta u xirta oo doorashada ku garab istaaga Mohamed
Siidii,maxaa yeelay waa inaan danta guud u tanaasulno,waa inaan meesha ka saarno
kumaa naga tirsan,kumaan isku siyaasad nahay,waxaan ula jeedaa inaan hore u
qaadno tilaabo ku dayasha mudan"ayuu yiri Gudoomiyaha Associated Somali
Journalists (ASOJ)
Hogaanka Asoj,wuxuu beesha Caalamka iyo Hay'adaha Saxaafadda
aduunka ugu baaqay inaysan iska indha tirin nolosha ciriiriga ee Weriyeyaasha
soo barakacay ku nool yihiin, Kenya,Uganda,Jibouti,Ethiopia iyo
Somaliland,wuxuuna sidoo kale ganacsatada Soomaaliyeed ee geeska Africa ka
codsaday inay wax taraan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku rafaadsan degaanada ay
joogaan.
"Ganacsatada Soomaaliyeed ee daruufaha adag ku eeganaya
Weriyeyaasha soo barakacay,waxaan u sheegayaa in Weriyeyaasha yihiin Afhayeenada
shacabka rayidka,una taagan yihiin astaanta qaranka,sidaas daraadeed waa idinku
ceeb hadii agtiina macluul ugu dhintaan ama dhaqaalo xumo looga saaro guryaha ay
degan yihiin ee garasha dheeriya muujiya"ayuu yiri Dahir Abdulle
Alasow.
Mr Alasow wuxuu amaan iyo mahadnaq balaaran u jeediyay
ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Jibouti,wuxuuna ku bogaadiyay sida
xilkasnimada leh ee ay dhaqaalo bilkastaa ugu qoreen Lixda Weriye ee Jibouti ku
jooga cabsi ay kaga soo carareen dalkooda Somalia.sidoo kalena wuxuu hambalyo
gaara u diray Weriyeyaasha Jubooyinka iyo Gedo,isagoo ku tilmaamay Suxufiyiin ka
dhoowrsaday gacan hoorsi iyo gun nimo marxalad kastoo ay soo mareen,qaarkoodna
weli ku nool yihiin.
"Weriyeyaasha Jubooyinka iyo Gedo waxaan fursadaan ku
leeyahay,Halgankii aad hormuudkiisa ahaydeen,hashii looga furtay qoowleeysatada
horarka Saxaafadda waa fool,maalinteey dhaleeysay ma foga,hadii ay dhashana
,caanaheedu waa Qaran,waana guushii farxadeena,runtiina waan ogahay geeridii
Weriyeyaasha iyo shaqsiyaadkii maleegay,waxaana ugu dambeyn leeyahay aduun ama
aakhiro arxanlaabayaasha dilay waxaa u taal Xisaab,allaha u wada naxariisto
dhamaantood.
By Mohamed Osman Sheekh
Qadafi
[email protected]
Rotterdam- Holland
Gudoomiyaha ASOJ oo fariin u diray Weriyeyaasha Nairobi.
Breda 08 Setember 2009