
Faahfaahin ku saabsan qaabka doorashada Suxufiyiinta Somalia ee Kenya ku sugan.
Guddiga Dooorashada Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee
Kenya
Barnaamijka Doorashada Saxafiyiinta
Soomaaliyeed ee wadakan Kenya, wuxuu billaabanayaa 2-da duhurnimo maalinta
Jimcaha ah 11-ka September 2009, wuxuuna ka dhacayaa Xarunta KALSAN ee xaafadda
Islii.
Shuruudaha Musharaxa looga baahan
yahay.
inuu yahay Soomaali.
inuu yahay saxafi dhab ah oo la
yaqaan.
inuu leeyahay aqoon aas-aasi ah.
inuu ku hadli karo mid ka mid ah
luuqadaha caalamiga ah sida:- Arabic, English iyo French.
inuu bixiyo ka hor
doorashada lacag 1,000 (Kun) Kenya Money.
inuu diyaaro u noqdo 5-daqiiqo oo
uu kaga hadlayo taariikhdiisa iyo waxqabadkiisa.
Qabashada arjiga
musharaxnimo waxay ku egtahay maalinta Arbacada 9-ka bisha saacaduna tahay 8-da
fiidnimo.
Qodobada looga baahan yahay qofka codeynaya.
Qofka
codeynaya waa inuu yahay saxafi dhab ah.
wuxuu xaq u leeyahay inuu doorto
ciddii doono oo murashax ah.
doortuhu waa inuu xaadir ku yahay goobta
doorashada iyo xilliga ay dhaceyso oo ah 2:00 ee duhurnimo, JImcaha 11-ka
September2009, Xarunta Kalsan.
doortuhu cidna wakiil kama noqon
karo.
qofka codeynaya waa inuu la yimaadaa kaar lagu aqoosan
karo.
doortuhu waa inuu ku qancaa Natiijada doorashada iyo ciddii ku
guuleysata hogaaanka ururka saxafiyiinta Soomaaliyieed ee dibad jooga ee
Kenya.
Saxafi kasta oo lagu war-galiyay doorashada hoggaanka ururka
Saxafiyiinta dibad jooga ah ee Kenya, kuna sugan Nairobi ee si micno darro ah
uga baaqsada doorashadaas waxaa loo arki doonaa inuu ka soo horjeedo horumarka
iyo midowga Saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Wixii faah-aahin intaas dheer
kala soo xiriir guddiga doorashada.
Faarax Maxamed Cali (Blue) gudoomoyah
Guddiga doorashada
C/qaadir Maxamed Faarax (Dulyar)
Daa’ud Cabdi
Daa’uud
Ifraax xasan maxmed
Muna xasan xuseen
Email:
[email protected]
Mahadsanidiin
Wa-billaahi
Towfiiq.
Faahfaahin ku saabsan qaabka doorashada Suxufiyiinta Somalia ee Kenya ku sugan.
Nairobi 07 Setember 2009