Warbixin ku saabsan qada sharaf Ahlusunna ugu sameeysay Gotenburg Weriyeyaasha ASOJ+Sawiro
Gotenburg 13 August 2009

Culumaa'udiinka Ahlusunna Wal Jameeca ee Magaaladda Gotenburg,Caasimadda labaad ee dalka Sweden ayaa qada sharaf u sameeyay Wafdiga Weriyeyaasha Ururka ASOJ ee uu horkacayay Gudoomiye Dahir Abdulle Alasow

Gudoomiyaha Ururka ASOJ Dahir Abdulle Alasow iyo Weriyeyaasha la socday waxay Jameecadda Ahlusunna ee Gotenburg ku soo dhaweeyeen Digri salaan,waxaana kadib la guda galay qada cunistii.

Culumaa'udiinka Ahlusunna ayaa Wafdiga Weriyeyaasha ASOJ digri salaankooda kadib waxay ku akhriyeen Qur'aanka Kariimka si alla safarkooda ugu fududeeyo.

Qada sharafta loo sameeyay Weriyeyaasha ASOJ waxaa ka hadlay Maamulaha Shaaficiyah.com Sheekh Cabdi Cali Fiidoow,wuxuuna Jameecadda ka codsaday in Yaasiiman lagu akhriyo Weriye Dahir Alasow.

Gudoomiyaha Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ Dahir Abdulle Alasow ayaa Jameecadda Ahlusunna Gotenburg uga mahadceliyay soo dhaweeyntooda qiimaha badan,qada sharafta ay u sameeyeen iyo Qur'aan saarka balaaya xijaabka.

"Waxaanu nahay Ahlusunna Wal Jameeca,waana ahaan doonaa ilaa aan ka dhimano maxaa yeelay Somalida oo dhan waxaa abka abka,soo diin baray Culumadda Ahlusunna Wal Jameeca,waxayna taas muujineysaa inaysan ahayn sida qolooyinka hada soo baxay ee Masaajidadii alle, ka dhigay sida Tiyaatar, Tusaale marka la qabanayo Mu'tamar waxay dadka dhahayaan u goosta tikidho,marka la goostana waxay bilaabayaan,lacag yaboohid ay ugu magacdarayaan,Masaajid ayaa la dhisaa ee yaa wax ku darsanaa ,taas oo la wada ogyahay inaan Masaajid lagu dhisin ee umadda lagu halaago"ayuu yiri Dahir Alasow.

Agaasimaha Warbaahinta Somaliweyn Mudane Hussein Abdi Alasow ayey sidoo kale ku kulmeen Gotenburg,wuxuuna Mr Hussein Alasow,weriyeyaasha u sameeyay Casuumaad gaara.

Dahir Alasow ayaa Milkiilaha Somaliweyn Media kaga mahadceliyay sida qiimaha badan ee uu Gotenburg ugu soo dhaweeyay,ilaa uu kula dhex lugeeyo faras Magaalaha si ay u arkaan goobaha quruxda badan iyo qaabka ganacsiga magaalada yahay.

Dahir Alasow iyo Weriyeyaasha la socda ee dalalka Scandenivianka booqashada ku marayo,waxay qada sharaftooda kadib u baqooleen Caasimadda Dalka Sweden ee Stockholm.

Stockholm Waxaa nagu soo dhaweeyay Weriyeyaal ,Jaaliyadda Soomaalida iyo Culumaa'udiinka Ahlusunna Wal Jameeca ,goor dhaw filo Sawiro iyo Warbixino kala duwan.

Farhiya Mohamed Mohamud (Farhiya Sabaax)
Stockholm-Sweden