
Gabdhaha Somalida Gotenburg oo qado u sameeyay Wafdiga ASOJ+Cod+Sawiro
Gotenburg 09 August 2009

Gabdhaha Jaaliyadda Gotenburg ee dalka Sweden ayaa qado sharaf u
sameeyay Weriyeyaasha Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ,oo
socdaal hoowleed ku marayo dalka Sweden.Halkaan ka
dhageyso ama Rogo
MP3
Gudoomiyaha Ururka ASOJ Dahir Abdulle Alasow oo horkacayay
wafdiga Weriyeyaasha ayaa qada sharafta kadib hadal kooban ka jeediyay
xafladda.waxaana heeso wadaniya oo qiiro badan ka qaaday Sacdiyo Soomaali oo ka
mid ahayd hooyooyinkii ka soo qeeybqaatay halgankii dalkeena Somalia lagu
xoreeyay.

Wafdiga Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaa sidoo kale casuumaad u
sameeyay Culumaa'udiinka Ahlusunna Wal Jameeca oo digri salaan ku soo
dhaweeyay.
Sawiro iyo Codadka Jameecadda Ahlusunna Wal Jameeca ee
Gotenburg,goor dhaw ayaad ka bogan doontaan.

Barnaamijka maqalka ee
Gabdhaha Jaaliyadda Gotenburg,waxaa isku soo duway,anigoo ka mida wafdiga
weriyeyaasha booqanaya Scandenivian-ka
Farxiyo
Mohamed Mohamud (Farxiyo Sabaax)
Gotenburg-Sweden
+46762164273
Gabdhaha Somalida Gotenburg oo qado u sameeyay Wafdiga ASOJ+Cod+Sawiro
Gotenburg 09 August 2009